|

Madaxweynaha Jabuuti Oo Fannaaniinta Dalkiisa Bilaash Uga Dhigay Adeegyada Caafimaadka

Jabuuti 18. December 2017 (SDN/QJ):-Magaalada Jabuuti, ayaa waxa Shalay lagu qabtay Xuska Maalinta Fannaaniinta Dalka Jabuuti.

Munaasibad lagu wayneynayey Maalinta Fanka oo ka qabsoontay Guriga Ummadda oo ku yaalla Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalkaasi, ayaa waxa ka qayb-galay Raysal-wasaaraha Jabuuti, Wasiirro, bahda Fanka iyo Dad kale oo Weriyeyaal ka mid yihiin.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyey halkaas ayaa sheegay inay Dawlad ahaan hirgeliyeen Machadka Fanka, kaasi oo ay ugu talo-galeen in lagu horumariyo Fanka noocyadiisa kala duwan.

Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay in Fanaaniintu door wanaagsan ku leeyihiin Bulshada dhexdeeda, sidaasi darteed leeyihiin Karaamo iyo Qiimo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in la dhaafay Xilligii Fannaaniinta la dhibaataynayey ama marka loo baahdo uun loo yeedhayey, waxaanu yidhi “Waalla dhaafay Fanaankii la eryeynayey marka loo baahdana tunka la soo qabanayey, marka kalena halkaa lagaga tagayey.”

Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay oo kale “Fanaanku imika qiimo ayuu leeyahay, Karaamo ayuu leeyahay, meel buu ku leeyahay Bulshada.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Sidaasi darteed ayaanu u samaynay Machadka fanka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti wuxuu Fanaaniinta Dalkiisa Jabuuti ugu bushaareeyay inay iska daweyn karaan Cisbitaallada Dawladda “Fannaaniinta waxaanu leenahay Agtiina naga eega. Da’du way socotaa, laakiin inta Nafta la idinla hayn karo waa la idinla haynayaa, markaa Fanaaniin oo dhan waa inuu iska daweeyo Cisbitaallada ayaanu ku talo-galnay oo aanu idiinku deeqaynaa.”ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Sannad kasta 17 December ayaa la xusaa Maalinta Fanaaniinta Jabuuti, si loogu muujiyo inay door ku leeyihiin horumarka Bulshada, waxaase xusid mudan in Sannadkan khudbadaha laga jeediyey halkaasi ku qotomeen ahmiyadda Machadka Fanka ee Dalkaasi laga hirgeliyey.

Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa hirgelisay Machadka Fanka, kaasi oo lagu tababbarayo Fanaaniinta isla-markaana ay wax ka baran karaan Dadka doonaya inay bartaan Xirfadaha ay ka mid yihiin Farshaxanka, Muusigga iyo sida Heesaha loo qoro.

Comments are closed