|

“Nimcaan-hillaac Waxa Loo Xidhayaa, Wuxuu Muqdisho Ka Sameeyay Wax Lid Ku Ah Somaliland…” Maamulka Awdal

Boorama 18. December 2017 (SDN/QJ):-Maamulka Gobolka Awdal ayaa ka hadlay sababta loo doonayo in la xidho fannaanka Nimcaan Cabdiraxmaan (Nimcaan-Hillaac) oo hore uga mid ahaa Kooxda Xidigaha Geeska, balse Safar uu Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kaga soo laabtay ka dib, si dhuumasho ah Somaliland uga soo galay Xuduudka Jabuuti.

Nimcaan-hillaac oo lagu eedeeyay inuu markii hore Somaliland ka baxay isagoon Dawladda fasax ka qaadan isla-markaana intii uu ku sugnaa Muqdisho qaaday Heeso lid ku ah Somaliland, ayaa doraad Ciidammada Booliiska ee Magaalada Boorama isku dayeen inay xidhaan, hasa-ahaatee dad qabashadiisa diiddan ayaa Rabshad kala hor-tagay Booliiska, taasina waxay suurto-gelisay inuu baxsado oo ay Ciidanku Gacanta ku dhigi waayaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka AWDAL Cabdiraxmaan Xaaji Nuur Sugaal oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du Shalay waydiisay sababta loo xidhayo Fannaanka Nimcaan-Hillaac ayaa ku jawaabay  “Nimcaan Hillaac oo ka mid ahaa Kooxda Xidigaha Geesku wuxuu tagay Muqdisho isagoon fasax ka sii qaadan Dawladda, haddana wuxuu soo noqday isagoon fasax soo waydiisan Dawladda Somaliland, Dalkana si tuugo ah ayuu Xuduudka Jabuuti uga soo galay, markaa in la qabto ayaa la doonayey, laakiin way suurto-geli wayday.”

Badhasaab ku-xigeenka oo la waydiiyey in Sababta loo xidhayo Fannaanku tahay inuu Dalka si sharci-darro ah ku soo galay iyo inuu Muqdisho tagay, ayaa ku jawaabay “Waxa loo qabanayaa wuxuu xaggaa (Muqdisho) ka sameeyay wax ku lid ah Somaliland, waxaana waxa ka mid ah inuu ka qaaday Heeso (lid ku ah Somaliland).”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka hal-celinaya Su’aal laga waydiiyey in Ciidanku Jidh-dil u geysteen Dad diiddanaa qabashada Fannaanka “Dadka Soomaalidu waxay gargaaraan Dambiilaha, Soomaalidu waxay u baahan tahay inay halkaa ka horumarto oo ay Qofka Dambiilaha ah qabato, tusaale ahaan Askariga eryanaya Tuugga way ka hor-timaaddaa, ma qabato oo uma dhiibto. Waxaan leeyahay Dadka reer Somaliland waa inaynu Ciidanka u gargaarnaa oo aynu Qofka dambiilaha u qabanaa oo aynu u dhiibnaa, dabadeedna u dacwoonn.”

Badhaab ku-xigeenka oo mar kale lagu celiyey inay jiraan Dad uu Ciidanka Amnigu Jidh-dilay ayaa ku jawaabay “Waxa laga yaabaa in Dadkaasi ka hor yimaaddeen Ciidanka doonayey inay qabtaan Inankaa (Nimcaan)..”

Guddoomiye Sugaal oo la su’aalay in Ciidanku uu Jidh-dil u geystay Fannaanka Aabbihii oo xidhnaa direyska Ciidammada Amniga oo uu ka mid yahay ayaa yidhi “Waxba kama jiraan (in la jidh-dilay Nimcaan Aabbihii), Somaliland-na xuquuqal iinsaanka aad bay ugu fiican tahay, waxaana loo baahan in Dadka reer Somaliland ay sharciga taageeraan, Waayo? Dawladnimadu Sharciga ayay wax ku tahay.”

Badhasaab ku-xigeenku waxa kale oo uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey waxa uu Nimcaan Hillaac kaga duwan yahay Fanaaniin reer Somaliland ah oo hore uga soo laabtay Magaalada Muqdisho isla-markaana lagu soo dhaweeyay Hargeysa “Yurub Geenyo ayaa ka mid ah fannaaniinta Muqdisho tagay, laakiin Dawladda ayay fasax soo waydiisatay, Qofkana Fasaxa waa loo ogol yahay. Somaliland Sharcigeeda ayaa dhigaya in Qofka Siyaasiga ah ama Fannaanka ahi uu fasax waydiisto Dawladda marka uu Xamar tagayo ama ka soo noqonayo.”ayuu yidhi.

Comments are closed