|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo & Xubno Weheliya oo Saaka u Kicitimaya Dalka Imaaraadka & Ujeedada Safarkiisa

Hargaysa 18. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa Saaka u Kicitimi doona Dalka Isu taga imaaraadka carabta.

Inkasta oo Mas’uuliyiinta Xukuumaddu aanay ka hadal Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ayaa Warar madax bannaan oo Shabakada Qurbejoog ka heshay ilo u dhuun daloola Madaxtooyadu ay sheegayaan in Safarkan Madaxweynuhu uu la Xidhiidho balan uu Socdaalkiisii hore la soo galay Dhakhtar ku yaala Magaaladda Dubai isla markaana ay raaci doonaan Qoyska Madaxweynaha,Wasiiro Kooban iyo Mas’uuliyiin ka ag dhow madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa dalka Imaaraadka ku soo qaatay Socdaal uu ku Joogay Mudo hal bil ku siman iyadoo Safarkiisa lagu sheegay mid nasasho hasa yeeshee uu la xidhiidhay Mid Caafimaad.

Xogwaran uu Madaxweyne Siilaanyo siiyay Maalintii Salaasadii ee Todobaadkan Warbaahinta ay Xukuumadiisu Maamusho ayuu kaga hadlay Xaaladiisa Caafimaad iyo eedaymaha Mucaaridka ee Ku Saabsan inaanu waajibaadka Xilkii loo doortay Madaxweyne ahaan sidiisa u gudan ee ay jiraan Dad aan la dooran oo Mus-dambeed ah oo talada dalka qayb ka ah, waxa uu ku jawaabay; “Dalka xilka iyo masuuliyadda iga saaran cidna ugama dambeeyo, xilka iyo waajibka isaaran waan ka soo baxaa, shaqadaydana waan haystaa, Illaahay mahaddii si fiicanna way iigu socotaa, meel fiican bay hawshu maraysaa, waa la wada shaqaynayaa, hawsha waa loo soo wada jeedaa, keligay maaha ee waa la ila shaqaynayaa, aad iyo aad baanan ugu mahad-celinayaa Dadka ila shaqaynaya iyo Dadka had iyo jeer u soo jeeda inay u halgamaan dalkan xorriyaddiisa iyo madax-bannaanidiisa.”

“Iyaga halla weydiiyo cidda ka talisa dalka. Anigu waan caafimaad-qabaa Illaahay mahaddii, waan wanaagsanahay, Dalka Anigaa Madaxweyne ka ah, Anigaa ka taliya, hadday iyagu sheegayaan oo ay leeyihiin cid kale ayaa ka talisa, ayaga halla weydiiyo…” sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey dhalliilaha loogu jeediyo inaanu Madaxweyne ahaan dalka ka talin.

Comments are closed