Madaxweynaha Jubaland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wakiilka Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Kismaayo (QJ)- Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo wafdigiisa.

Wafdigan heerka sare ah oo ay ka mid ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan ATMIS (Howlgalka Kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya) ayaa kulamo la qaatay Madaxweyne Madoobe oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Intii uu socday kulanka, danjire Diene ayaa bogaadiyay dadaallada wadajirka ah ee Jubaland ee xoreynta gobollada kala duwan ee dowlad goboleedka iyo xasilinta deegaannada cusub ee dib loo soo celiyay. Waxa uu ku ammaanay Ciidamada Ammaanka Jubaland kaalintooda la taaban karo ee muhiimka ah ee ay ka geystaan xasilloonida guud ee Soomaaliya.