|

Madaxweynaha Kenya Oo Inliqaab Ku Sheegay Doorashada Ku Celiska Ah Ee Dalkiisa

Nairobi 23. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha haya tallada Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa ku tilmaamay go’aankii maxkamadda sare ee lagu laalayay doorashadii Madaxtinimada dalkaas Inqilaab lagula kacay dalka Kenya.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday doorashadii Madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday, kaddib markii siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ugu weyn dalkaa dacwad u gudbiyeen maxkamadda.

Guddiga doorashada ayaa dib u dhigay wakhtigii loo asteeyay in ay dhacdo doorashada ku celiska ah oo ku beegneyd 17 bisha October ee innagu soo foolka leh, waxaana uu guddigu sheegay in doorashada dib loo dhigay ilaa 26ka October.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku celinta Doorashada la laalay ka dareen celiyey “Waxaa Dalkan inqilaab ka sameeyey Afar Qof oo Maxkamadda sare jooga..” ayuu yidhi, Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Comments are closed