|

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Deeq Gaadhsiisay Cusbitaallada Gabiley iyo Wajaale DAAWO

Hargaysa 23. September 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somamaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa  Deeq Lacageed ku wareejisay Cisbitaallada Gabiley iyo Wajaale. munaasibad lagu qabtay Magaaada Gabiley ay ka qayb-galeen Masuuliyiinta Cisbitaalka Dhimirka iyo maamulka degmada Gabiley.

Lacagtan ay wasiirka Maaliyadu ku wareejisay Maamulka Cisbitaalka Dhimirka uu qadarkeedu dhamaa 10,000 toban kun oo Doollar. Maayirka Degmada Gabiley iyo masuuliyiin kale, ayaa ka qayb-galay xaflada wareejinta lacagtaas, waxaana hadallo ay halkaa ka jeediyeen uga mahad-naqeen Wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Warbixinta Munaasibadda Deeqdaa lagula kala wareegay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed