|

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta oo Taageeray Derbiga Weyn ee Dalkiisu isaga Xidhayo Somalia

Nairobi 22.May 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha waddanka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa taageeray derbiga weyn ee dalka Kenya isaga xidhayo xuduudda uu la wadaago waddanka Soonaaliya taasoo ay muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka qaylinayeen siyaasiyiinta waddanka Soomaaliya.

 

KenyattaDerbiga oo dawlada Kenya ay ka dhiseyso xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ujeedkiisu maaha in dhaqdhaqaaqa dadka uu xaddido balse waxaa loogu tala galay buu yidhi in ammaanka lagu xoojiyo; waa sida Madaxweyne Uhuru uu sheegay. Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in dawladiisa ay ka go’an tahay dhowrida amniga iyo xasilloonida Kenya.

 

Waxaa uu hadalkaa ka jeediyay Mandheeraa oo uu shalay safar ku tagay safarkaa oo uu ku weheliyay madaxweyne ku-xigeenka Kenya Willium Ruto. Wuxuu hadalkaasi sheegay mar uu hoggaamiyeyaal degmadaasi leedahay uu la kulmayay iyo mar uu meel fagaare ah ka khudbeynaayay labadaba.

“Ma lihin qorsheyaal aanu ku kala qeybinayno dadka Soomaaliya iyo dadka Kenya. Waxaanu doonaynaa oo kaliya inaanu xaqiijino in dadkeenu adeegsadaan heerar si caalami ah loo aqbalay oo loogu tala galay ganacsiga, ee wax kale maahan,” ayuu yidhi. “Waxaan aad ugu boogaadinayaa hoggaamiyeyaasha iyo dadka deegaanka ah inay kala shaqeeyeen hayadaha ammaanka faridda oo dadka la faro nabadda inay ka shaqeeyaan. Horumari wuxuu noqonayaa wax aan la taaban karayn hadii nabadi aysan jirin,” intaa ayuu raaciyay. Madaxweyne Uhuru wuxuu kaloo sheegay in xisbigiisa Jubilee uu ku dhiiraday xaqiijinta horumarinta kaabeyaasha gobolka Waqooyi-Bari Kenya si loo fududeeyo safrinta badeecooyinka iyo shaqaalaha-waa la bilaabay horumarintaa iminka ayadoo tobanaan km oo waddooyin laami ah laga dhisay gobolkaa.

Wuxuu kaloo sheegay Madaxweyne Uhuru inuu wax ka qaban doono macalimiin yari ka jirta gobolkaa, daadad kusoo fataha xilliyada Gu’ga iyo Deyrta, bullaacadaha iyo sidii loo horumarin lahaa iyo weliba horumarinta tayada biyaha iyo helitaankooda.

Shalay galinkii dambe ayaa Madaxweyne Uhuru waxaa uu usoo gudbay degmada Wajeer halkaas oo uu mashaariic horumarineed ka furay.

Comments are closed