|

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Oo Dhiggiisa DDSI Uu Si Diiran Ugu Soo Dhaweeyay Jigjiga

Jigjiga, 29. 4,2016 (QJ/SDN) –  Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Oo Gaadhay Magaalada Jigjiga Xarunta Maamulka DDSI Ayaa Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay, Waxaana Garoonka Uga Hortagay Xubno Uu Ka Mid Ahaa Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Madaxweyne Kuxigeenka DDSI Mudane C/Xakiin Cigaal Iyo Wasiirka Ganacsiga DDSI Mudane Khadar Abdi Iyo Wasiir Kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane C/Khaliif Buraale (Dhoombe).

Booqashada Axmed Madoobe Uu Maanta Ku Tagay Jigjiga Ayaa Lagu Sheegay In Ay Tahay Sidii Uu Kulammo Ula Yeelan Lahaa Mas’uuliyiinta Maamulka DDSI; Iyadoo Markii Uu Tagay Magaalada Jigjiga Isla Markiiba Kulan Irduhu U Xidhan Yihiin La Galay Madaxewynaha DDSI.

Wararka Laga Helayo Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya In Axmed Madoobe Iyo Cabdi Maxamuud Ay Kulankooda Kaga Hadlayaan Arrimo Dhowr Ah Oo Ay Ka Mid Yihiin; Ammaanka, Xidhiidhka Labada Maamul U Dhexeey Iyo Ganacsiga Isku Xidhka Socdaalka Hawada Iyo La Dagaalanka waxa lagu sheegay ‘Argagixisada’ Iskaashiga Dhanka Waxbarashada. Inkatsoo Aan La Ogeyn Inta Maalmood Ee Uu Axmed Madoobe Joogayo Jigjiga, Iyadoo Ay Tani Noqonaysaa Booqashadii Ugu Horreeyay Oo Uu Ku Tago Jigjiga Tan & Markii La Dhisay Maamulka Jubbaland.

  • 20160428_145149
  • 20160428_145210
    • DDSI

Comments are closed