|

Daawo:- Wasiir Cali Waran-cadde Oo Madaxweyne SIILAANYO Ku Sifeeyay Da’ yaraan

Hargeysa, 29,4,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde ayaa madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay in uu yahay nin da’yar oo dadkiisa xukunkii uu isku sii sharraxi lahaa uga dagay.

Wasiir war-cadde ayaa hadalkan ka sheegay daahfurka diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Maroodijeex oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

‘’Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadcelinayaa laba arrimood labadaba; adigoo da’yar oo xukunkaaga la mahadiyay in aad haddana maanta wixii aad xaq u lahayd teeramka labaad inaad bulshadaada iyo dhalinyarada uga tanaasushay reer Somaliland inaad iyagana u fududayso halkaa aad wax gaadhsiisay in ay kasii wadaan’’ ayuu yidhi wasir Cali Maxamed Waran Cadde.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

Comments are closed