|

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo Dib u Dhigay Qorshihii uu Safaarada Maraykanka ugu Rari lahaa Qudus

Washington 04. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maraykanka Mr: Donald Trump ayaa go’aan ku gaadhay in uu dib u dhigayo qorshihii uu safaarada maraykanka ee ku taala caasimada Israa’iil ee Talaabiib ugu rarilahaa magaalada Qudus ee barakaysan, iyada oo arintaasi ka mid ahayd balan qaadyadiisii waqtigii uu u halgamayey madaxtinimada dalkaasi.

Madaxweyne Trump waxa uu go’aankan gaadhay markii uu la tashi la yeeshay saraakiisha guriga cad ee looga taliyo dalkaasi iyo mar uu shir kula yeeshay guriga cad madaxweynaha Falsatiiniyiinta Mr: Maxamuud Cabaas, taas oo keentay in Mr: Trump booqasho ku tago xarunta dhulka Falastiinta ee Raamalaah bishii dhamaatay.

 

Geesta kale , dawlada Israa’iil, ayaa gacanta si buuxda ugu dhigtay magaalada Qudus sanadkii 1967-kii waqtigaas oo dagaal xoogani dhexmaray dawladaha carabta iyo Israa’iil iyadoo dhul badan ka qabsatay dawladaha carabta ah ee xuduuda la wadaaga Israa’iil.

Comments are closed