|

Madaxweynaha Ruushka oo Beesha Caalamka u Soo Jeediyay inay Go’aan ka Gaadhaan ka Bixidii Madaxweyne Trump ee Heshiiska Cimilada

Moscow 04. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Ruushka Mr: Vladimir Putin, ayaa ugu baaqay bulshada caalamka in ay u qaataan wax fudud go’aanka uu kaga baxay madaxweynaha  maraykanku Mr: Donal Trump heshiiskii dhinaca cimilada ee aduunka oo dhami gaadhay laba sanno ka hor.

Mr; Putin waxa uu intaasi ku daray in hesiiska Paris dhaqan galkiisu bilaamayo sanada 2021, iydoo waqtigaasina dawladaha qiiqa ugu badan hawada ku si daayaa ay qorshaynayaan hindise cusub oo si tartiiba qiiqa loogu yaraynayo.

 

Dhinaca kale, Mr: Putin waxa uu baaq u diaray siyaasiyiinta maraykanka in ayna ku daalin eedaymaha beenta ah in Ruushku faragalin ku sameeyey doorashadii madaxtinimada ee maraykanka, taas oo uu hadaladan ka jeediyey shirka dhaqaalaha caalamiga ah ee ka qabsoomay magaalada Bitasbeeg ee dalka Ruushka.

Comments are closed