Madaxweynaha Maraykanka oo Dalka Iran u Soo Jeediyey inay Ixtiraamaan Heshiiskii ay la Galeen Quwadaha waaweyn ee dunnida

Washington 08. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in ay Iraan joojiso gardarada oo aanay u hogaasamin heshiiskii Nukliyeerka ee ay la gashay quwadaha waaweyn.

 

Trump oo kulan la lahaa madaxda mulitariga maraykanka oo ku sugan guriga cad ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin inay Iraan hesho hubka Nukliyeerka.

Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay Iraan taageerto Agagixisada oo ay bariga dhexe u soo dhoofiso rabshado, dagaalo iyo nacayb, taasina waa sababta aanu uga soo horjeedo inay ku riyoodaan in ay helaan hubka Nukliyeerka . wuxuu ku hanjabay inuu  ka noqon doono heshiiskii hubka Nukliyeerka ee ay quwadaha waaweyni la galeen Iraan. Madaxweyne Trump  ayaa la filayaa inuu go’aan ka qaato heshiiska Nukliyeerka ee Iraan bishan Octoobar 12-keeda, sida ay sheegtay jariirada Washington Post. Sidoo kale waxa uu ka fikirayaa in ay Maraykanku  dib ugu soo rogaan Iraan Cunaqabatayn.

 

Dawlada Iraan oo ka fal celinaysa hanjabaada Madaxweyne Trump dhawr jeer ku celiyey, ayuu ka hadlay wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi Javad Zarif, waxanu sheegay inuu dalkiisu sidoo kale ka bixi doono heshiiska haddii ay maraykanku go’aansadaan in ay ka baxaan heshiiska.