Guddoomiyihii Baarlamaanka Federaalka Itoobiya oo isu Casilay Xaaladda Oromada iyo Soomaalida Dalkaasi oo Meel adag maraysa DAAWO

Addis Ababa 07. October 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyhii Golaha Aqalka Wakiillada ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Abadula Gemeda, ayaa iska casilay xilkaas, ka dib markii uu ka cadhooday sida ay dawladda dhexe ee Itoobiya uga jawaabtay Codaaladdii dhawaan dhex-martay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada Itoobiya markii ay Oromadu dileen 43 Ruux oo Soomaali ah, sida ay Baahiyeen qaar ka tirsan Warbaahinta Itoobiya shalay.

Warbaahinta Addis Standard, Addisfortune.net iyo Kuwo kale oo ka hawlgala Itoobiya, ayaa baahiyey Sabtidii Maanta inuu Guddoomiyihii Golaha Wakiillada ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Warqadda uu isku casilay u gudbiyey Golaha Baarlamaanka iyo Raysal-wasaaraha Federaalka Itoobiya.

Waxay Warbaahinta kala duwan ee Warkan baahisay intaas ku dartay oo ay sheegtay in Xogo lagu kalsoon yahay oo laga helay sababta uu isu casilay Abadula Gemeda ay la xidhiidho dhibaatada ka dhex taagan Ismaamullada Killalada Soomaalida iyo Oromada, gaar ahaan qaabka ay dawladda dhexe uga jawaabtay dilkii ay Oromadu u geysteen Soomaalida, oo ay Warbaahinta Oromadu ku eedaysay inay Ciidammada Federaalku dhirbaaxo kulul ku dhufteen Oromada.

 

Geesta kale, Muuqaal-dhegaysi kooban oo uu Warkaa is-casilaadda ka baahiyey TV-ga Saab, ayaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-