|

Madaxweynaha Somalia oo Soo Dhawayn Miisaan Leh Kala Kulmay Dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan & Dulucda Wada Hadalkooda SAWIRO/DAAWO

Istanbul 26. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo  gaaray magaalada Istanbul ayaa waxaa si diiran u soo dhoweeyey dhigiisa waddanka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Farmaajo iyo Erdogan ayaa salaam sharaf ka qaatay ciidamada baambeyda dalkaas iyadoo la garaaacay muusika astaanta u ah labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa intaas ka dib kulan qaatay iyagoo ka wada hadlay xiriirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Waddamada ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta booqday Aqalka Baarlamaanka waddanka Turkiga., wuxuuna la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee wadankaas.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga Ismail Kahraman ayaa ka wada hadlay Arrimo dhowr ah oo quseeya xiriirka labada dal.

Comments are closed