|

Roobab aad u Wanaagsan Oo Maanta ka da’ay Jiido door ah oo ka tirsan Gobolada Saaxil,Togdheer,Daad Madheedh,Sool Iyo Saraar & Baaqa Wasaaradda Xoolaha

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):-Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland Mudane C.rashiid Riyo oo Socdaal Shaqo ugu Maqan Deegaano ka tirsan Bariga dalka oo Khadka Telefoonka noogu waramay ayaa Sheegay in Raxmaadka eebbe ay ka da’een deegaano ay ka mid yihiin  Lafo Ruug, Galoolay,Hudisa,Sheekh,Geed loo Kor, Caynaba,Wadaamo Go’o, Habari heshay,Iyo Jiido Kale.

Sidoo Kale Dad Goob Joog ah ayaa Qurbejoog u Xaqiijiyey in Deegaano ka Tirsan Gobolka Daad Madheedh ay Galabta ilaa Caawa ka Curteen raxmaadka eebbe Waxaana Jiidahaas ka Mid ah Deegaannada Xaaji-Saalax, Laanmullaaxo, Ballicigaal, Maxamuud Cabbane, iyo Balli Muuse.

Sidoo Kale Waxay Raxmaadka eebbe ka Da’een Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool,Sidoo Kale Raxmaadka eebbe ayaa la sheegayaa inay Ka Curteen deegaano ka Tirsan Buuhoodle .

Geesta Kale Wasiirul dawlaha Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland Mudane C.rashiid Riyo Raac Wuxuu Baaq u diray Xoolo dhaqatada oo uu u soo Jeediyey inay hakiyaan Geediga ay Ku Jiraan,Maadaama ay Xooluhu taws badani ka soo gaadhay abaarta iyo hayaankii lagu Jiray.

Wasiirul dawlaha Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland waxaa kale oo uu u Soo Jeediyey Maamulada Degmooyinka iyo Tuulooyinku inay Bakhtiga Xoolaha Gubaan Maadaama sida uu Xusay ay ka dhalan karaan Marka roobku da’o Xannuuno Waxaa Kale oo Wasiirul Dawluhu intaas ku daray in Sida Saadaashu Muujinayso ay Maalmaha soo socda ay roobab Fiicani ka da’I doonaan Hadii alle idmo.

Comments are closed