|

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisii oo Gaadhay London iyo soo Dhawayntii lagu Qaabilay Guddoomiyaha KULMIYE

LondonĀ 03. October 2016 (SDN/QJ):-Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee safarka dibadeed ku maqnaa, ayaa gaadhay magaalada London ee carriga Ingiriiska oo lagu soo dhaweeyey.
14469608_305546613142398_7547691352408166963_n
14570244_305546786475714_4609024845087465787_n 7104dscn0521asq-23Weftiga Madaxweynaha oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirrada Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina-weris iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, waxa maalmihii u dambeeyey ay ku sugnaayeen dalka Imaaraadka Carabta oo ay hawlo shaqo u joogeen, waxaanay lugta labaad ee socdaalkooda ku gaadheen dalka Ingiriiska xalay.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa jaaliyadda reer Somaliland waddanka UK, gaar ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyeen madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee Heathrow ee magaalada London, intaas kadibna waxa si gaar ah soo dhawayn loogu qaabilay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay qaabileen taageerayaasha KULMIYE iyo wasiirrada Caafimaadka Dr. Xaglo-toosiye, Xannaanada Xoolaha Cabdillaahi Cukuse, Qorshaynta Cali Shoombe iyo Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud oo dhammaantood iyagu hore ugu sii sugnaa dalka Ingiriiska.

Comments are closed