|

Madaxweynaha Somaliland oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Anigoo ku hadlaya magacayga iyo ka dalkayga iyo dadkayga waxan kugu hambalyeynayaa guusha aad ka gaadhay Doorashadii ay shacabka Maraykanku kuugu doorteen inaad noqoto Madaxweynahoodii 45-aad.

Mudane Madaxweyne, haatan oo Doorashadii lagu kala calaf qaaday, waxa lagama maarmaan ah inaad ummadaada midayso oo aad u damaanad qaado horumar iyo barwaaqo, mid kuu codeeyey iyo mid kaa codeeyeyba.

Dalka Maraykanka oo ah dal ay Dunidu kaga dayato waxyaabo badan gaar ahaan xagga xorriyada, dimuqraadiyada iyo xuquuqda aadamaha, Dadkayga iyo dalkayga Somaliland waxay ku kalsoon yihiin in Xukuumadaadu ay sii wadi doonto gudashada xilka iyo waajibaadka Maraykanka kaga beegan Bulshada Caalamka.

Axmed Maxamed Silanyo,

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,

Comments are closed