|

Dowlada Somalia oo ka hadashay doorashada Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump

Muqdisho 10. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo war saxaafadeed ka soo saaray xafiiskiisa ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump.

xasan sheekhXasan Shiikh ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Maraykanka uu ka dhexeeya xiriir wanaagsan uuna rajaynayo inuu sii xoogeysto.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye ayaa isna sheegay in dowladda Soomaaliya ay la shaqeyn doonto madaxweynaha la doortay ee Maraykanka.

Waxaa uu intaasi ku daray in Mareykanka uu Soomaaliya gacan ka siinayay la dagaalanka argagixisada, ayna rajaynayaan wali inay arrimahaasi iska kaashan doonaan.

Hadliye waxaa uu sheegay in go’aanka Trump lagu soo doortay uu ahaa mid ka yimid dadweynaha Mareykanka, sidaa awgeed ay soo dhaweynayaan isla markaana la shaqaynayaan Madaxweynaha la doortay.

Waxaa uu dhinaca kale walaac ka muujiyay hadal dhawaan ka soo yeeray Trump oo ahaa in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Minnesota ay gaystaan dhibaatooyin ku salaysan xagjirnimo, waxaana uu sheegay inaysan habboonayn in qof mas’uul uu hadalkaasi ka soo yeero.

Donald Trump ayaa si lama filaan ah ugu guuleystay doorashada madaxweynaha Maraykanka ee afarta sano ee soo socota, waxaana aad loo filayey iney ka guuleysan doonto Hillary Clinton oo tartan xoogan kula jirtay.

Comments are closed