Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ee socdaalka ku joogay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo ay weheliyaan masuuliyiin iyo masuuliyiin kala duwan. Intaa ka dib waxa weftiga loo soo galbiyay Qasriga Madaxtooyada, halkaas oo laga jeediyey khudbado muujinaya muhiimadda uu shirka caalamiga ahi u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland.
Munaasibadan soo dhawaynta ah ayaa waxa ka soo qayb galay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan golaha guurtida (Guurtida) iyo golaha wakiilada, wasiiro, taliyayaal ciidan, culimo awdiin, madax dhaqameed, haween iyo marti sharaf kale. Khudbadaha ayaa waxaa lagu nuux-nuux saday guulaha la taaban karo ee uu Madaxweynuhu ka gaaray shirkii caalamiga ahaa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa Madaxweynaha iyo Weftigiisa ku soo dhaweeyey, isagoo xusay in qodobbadii ka soo baxay shirkani ay wax weyn ka tari doonaan dedaalka Somaliland ee dhinaca horumarka iyo aqoonsiga caalamiga ah. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Siciid Mire Giirre oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay guulaha uu Madaxweynuhu gaadhay, waxaanay shacabka ugu baaqeen in la taageero midhaha shirkan, isla markaana ay la shaqeeyaan Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, waxa uu iftiimiyey in Madaxweynuhu ka qayb-galay shir ka mid ah shirarkii ugu waaweynaa ee ay Somaliland abid ka qaybgasho heer qaran. Waxa uu xusay in guushani ay qiimo weyn ku soo kordhinayso dadaallada socda ee uu dalku ku doonayo in loogu aqoonsado qayb ka mid ah beesha caalamka.
Madaxweyne C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa la hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyay muhiimadda shirkan caalamiga ah iyo faa’iidooyinka ay Somaliland ka heshay. Waxaanu yidhi “Waxaanu aqoonsiga rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxweynahooda ka helnay Imaaraadka oo ah dal aynu saaxiib nahay, shirkani waxa uu ahaa madal weyn oo bilaabmay 12 sanno ka hor, waxa ka soo qayb galay 30 wadan oo aanu ku jirno, iyo in ka badan 140 wadan, 400 oo wasiir iyo 6,000 oo ka soo qayb galay, waxaanu ahaa kulan qiimo leh oo caalami ah, waxaanu fursad u helnay inaanu matalo Somaliland oo aanu la kulano madaxda caalamka iyo ka qaybgalayaasha.
Madaxweynuhu waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu ka wakiil yahay shacbiga Somaliland, isla markaana uu farriintooda gaadhsiiyey caalamka. Waxa uu mar kale sheegay inay ka go’an tahay u adeegida shacabka, isagoo yiri “Anagu waxaan nahay wakiiladiina iyo adeegayaashiina, fariintiina waan gaarsiinay, waxaad arki doontaan natiijadeeda”.
