|

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo Oo La Baaxaa-degaya Culaysyo-siyaasadeed Oo Gudaha Iyo Dibadda Dalkiisa Ah

Muqdisho 24. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Shalay dhaw u dhoofay magaaalada Kampala ee dalka Uganda socdaal qeyb ka ah safar uu ku tagi doono qaar ka mid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa madaxda dalka Uganda kala hadli doona arrimo badan oo ay ka mid tahay dardar-gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah Soomaaliya “Madaxweynaha wuxuu kala hadli doonaa madaxda dalka Uganda dar-dar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, ciidamada Uganda howlgallada socda ayey qeyb ka yihiin, doorkooda dagaalka Al-shabaab ayaa laga wada hadli doonaa” ayuu yidhi Sareeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod oo ah Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka oo Saxaafadda la hadlay markii uu Madaxweyne Farmaajo ka dhoofay Muqdisho.

Farmaajo ayaa Safarka Uganda ka dib, u sii Gudbaya Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaasi oo la sheegay inuu u tagayo in Madaxda Dalalkaasi ku soo war-geliyo Dagaal uu sheegay in Dawladdiisu la galayso Al-shabaab.

Dagaalka uu Farmaajo ku dhawaaqay Toddobaadkii hore inuu la gelayo Al-shabaab oo soo baxay markii uu Magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax Sababay dhimashada Dad gaadhaya 358 Qof iyo dhaawac intaa ka badan.

Laakiin, waxa Dadka Siyaasadda falan-qeeyaan sheegayaan in Dagaalka uu Farmaajo ku dhawaaqay uu amniga Dalka oo aan imikaba Cago-adag ku taagnayn uu khatar kale ku keenayo, maaddaama oo uu fagaare Dadweynaha kaga codsaday inay hubka qaataan, taasi oo ay ku sheegeen inay fursad siinayso Kooxaha dhuumaalaysiga ku jira.

Dhanka kale, Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ugu ambo-baxay Dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti, ayaa ku soo beegmaya Xilli uu khilaaf adag ka dhexeeyo Dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedyada.

Khilaafkan oo hore u jiray ayaa soo laba-kacleeyay, ka dib markii Madaxda Maamul-gobolleedyada Soomaaliya ay doraad soo wada saareen War-saxaafadeed ay ku dhaliileen dowladda federaalka.

Arrintan ayaa imanaysa toddobaad uun ka dib markii qarax weyn uu gilgilay magaalada Muqdisho, kaasi oo galaaftay nolosha 358 qof, boqolaal kalana ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo ayaa marti-qaad u diray Madaxda Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si ay uga soo qeyb-galaan shir wada-tashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in shirkani lagaga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah, oo ay ugu horreeyaan sidii musiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho 14-kii bisha Oktoobar loogu beddali lahaa midnimo Qaran.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in waxyaabah Shirkani diiradda lagu saari doono ay ka mid tahay sidii loo xoojin ahaa wada-shaqeynta Dowladda federaalka iyo Dowlad-goboleedyada iyo sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa Dastuurka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in shirka lagaga wada-hadli doona habka qaybsiga khayraadka dalka iyo geeddi-socodka doorashada ee sannadka 2020.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa waajahaya Culays siyaasadeed oo ka haysta dhinac kala duwan, sida Dalalka Khaliijka Carabta, gaar ahaan Qadar oo ku cadaadinaysa inuu Maamul-gobolleedyada Soomaaliya ku qasbo inay ka noqdaan Taageero ay si gaar-gaar ah ugu muujiyeen xulafada Sucuudigu Hoggaamiyo oo ay Qadar Is-hayaan, arrintaasi oo markii guda-galay keentay in Maamul-gobolleedyadu u midoobaan oo si wada-jir ah uga soo wada horjeedsadaan.

Waxa kale oo Culays ka haystaa dhinaca Amniga Magaalada Muqdisho, taasi oo Ciidammadii uu hore ugu sameeyay waxba ka qaban waayeen.

Comments are closed