|

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Ku Dhawaaqay Isbedel ay Ku Sameeyeen Saacadaha Ololaha Xisbiyadda & Sababaha Keenay DAAWO

Hargaysa 23. October 2017 (SDN/QJ):-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta Wax ka bedel ku sameeyay Saacadaha Xisbiyadda Qaranka loo ogol Yahay inay sameeyaan Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland.

Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Siciid Cali Muuse iyo Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Eng C.qaadir Iimaan Warsame oo Maanta Kulan Warbaahineed ku qabtay Xarunta Guddidda Doorashooyinka ayaa Sheegay inay Wax ka bedel ku sameeyeen Saacadihii ay Marka hore u qorsheeyeen in Xisbiyada Siyaasadda ee Ucid,Kulmiye Iyo Waddani Kadib markii ay ogaadeen in Sifo Khaldan ay Taageerayaasha Sadexdda Xisbi qaran u Ololeeyeen Taas oo ka Hor imanaysa Sida ay Sheegeen Xeerka anshaxa Doorashadda,Diinta Islaamka Iyo Dhaqankeena.

 

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka oo ka Hadlaya Qaabka ay Wax uga Badaleen Saacadaha Ololaha Doorashooyinka ee Sadexdda Xisbi qaran.

Comments are closed