Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo canbaareeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Mogadishu May 05 2013 (SDN)— Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hadlay ayaa aad u canbaareeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho ee ismii daminta ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxaasi lala eegtay Muwaadiniin u dhalatay wadanka Qadar kuwaasi oo dalka  u yimid in ay saacidaan shacbiga Soomaaliyeed ee dhibaatada mudda dheer ku soo jiray.

Waxa uu tilmaamay Madaxweynuhu in dad badan ay dhibsadeen maalmihii ay wadooyinku xirnaayeen balse ay dowladda Soomaaliya ka hortageysay wax ka daran wixii maanta dhacay.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Todobaadkii la soo dhaafay Al Shabaab ay Magaalada Muqdisho ka fulin rabeen waxa ay ugu yeereen “Todobaadkii Cadaabta”.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta tagay dagmada Dayniile ee gobolka Banaadir halkaasi oo uu kula kulamay dadka ku dhaqan.

Dagmada Dayniile ayaa ha meelaha u xasaradaha badan dagmooyinka gobolka Banaadir ee Soomaaliya.

SDN-Muqdsho