Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furay shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee looga hadlayo mustaqbalka siyaasadda dalka. Ajandayaasha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah xoojinta midnimada qaranka, dhameystirka dastuurka, hannaanka doorashada, la dagaallanka argagixisada, dhisidda dowladnimo xooggan.
Madashu waxa ay la kulantay dhaleecayn uga imanaysa madaxda mucaaradka oo ku andacoonaya in aanay si sax ah uga hadli doonin khilaafaadka la xidhiidha doorashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa ku nuux-nuux saday in dowladdiisa ay ka shaqeynayso sidii ay u dhici lahayd doorasho toos ah oo ay Soomaalidu ku dooran karto madaxdooda. Waxa uu xusay in madaxda dowladda iyo mucaaradkuba ay ku heshiiyaan in laga gudbo nidaamkii hore ee dhibka badnaa ee ku salaysnaa hab beeleed.
“Madashani waxay muujinaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan maqalno aragtiyo kala duwan,” ayuu yiri Madaxweynaha. “Waxaan albaabada u furaynaa wada-hadallo horay u maqnaa, qof walba waa lagu soo dhaweynayaa inuu gacan ka geysto dhismaha nidaamka dowladnimo.”
Isagoo u mahadceliyey saaxiibada caalamiga ah ee taageeradooda, ayuu madaxweynuhu ku nuuxnuuxsaday in Soomaalidu ay mas’uuliyad iska saaraan mustaqbalka dalkooda.
Madaxdii hore, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday in ay taageerayaan sidii loo abuuri lahaa aragti mideysan oo ku aaddan horumarinta Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo nabadda, caddaaladda iyo horumarka.
Wadahadaladu waxay ku soo beegmayaan xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya ka shaqaynayso sidii ay u samayn lahayd habab dawladnimo oo xasilloon, dimuqraadi ah.
