|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Ololaha Xisbiga Kulmiye Maanta Kaga qayb galay Magaaladda Burco Isla Markaana Jebiyey Wareegtadii uu Ka Soo Saaray Adeegsiga Gaadiidka Dawladda SAWIRO

Hargaysa 22. October 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa Maanta Guud ahaan Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka ku qabtay isu soo baxyo Kulmiyey Taageerayaal Laxaad leh oo uu ku Muujinayo Cuddudiisa ku wajahan Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda waxana magaalada Burco kala qayb galay madaxweynha JSL Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Xubnaha Golaha Wasiiradda ee la socday ayaa watay Gaadiidka Dawlada ee uu Ka Mamnuucay inaan loo adeegsan Ololaha Doorashadda maadaama uu Wareegto ka soo saaray.

Khudbada Madaxweynaha oo Qoraal ah ayaa u Dhignayd Sidan:-

“waxaan uga mahad-celinayaa, guud ahaan, Shacbi-weynaha Somaliland, yuhuuntii, yidi-diilladii, iskaashigii iyo wada-shaqayntii, ay isla bar-bar taageen Xukuumadda Xisbiga KULMIYE, ee aan Odayga u ahay”. Madaxweyne Silaanyo

 

“Anigu, waxaan ummadda u dooray, in hogaamiyihii i bedeli lahaa, uu noqdo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah siyaasi waayo-arag ah, oo ay ku duugan tahay karti, hufnaan iyo aqoon badani”. Madaxweyne Silaanyo                   

 

 

 

Dhammaan Taageerayaasha faraha badan, ee Xisbiga KULMIYE, ee isugu soo-baxay, Fagaaraha Khayriyada Burco, waxaan idiin soo gudbinayaa salaan Xambaarsan Nabadgelyo iyo Naxariis Eebe “Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu”.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Farxad weyn bay ii tahay, in aan saaka, dib ugu soo noqdo goobtan, oo ay iigu dambaysay, wakhti aad u dheer. Xasuus dheer, ayey igu leedahay khayriyadan Burco, oo aan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, wakhtiyo badan, oo kala duwan, kala hadli jiray, aniga oo ah Musharax Madaxweyne. Eebe Mahaddii, maanta waxaan idin hor-joogaa, aniga oo ah Madaxweynihii Qarankan, isla markaana, aan naf-tayda cuud, cod iyo cudud toonna, idiinka rabin.

 

Xilkan Madaxweyne, ee aan wareejin doono muddo yar ka dib, kuma iman xoog iyo xeelad toona. Hase-yeeshee, waxaan ku haaneeday codkii ay ii hibeeyeen Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, ee Lixda Gobol Doorasho ee Dalka, ku kala sugan. Dhacdadan taariikhiga ahi, waxay saamayn ku leedahay, noloshayda qayb ka mid ah, isla markaana maaha, mid aan abidkay ilaawi karo.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Aniga oo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan jecelahay, in aan halkan uga mahadceliyo, Taageerayaashii habeen iyo maalin, mudada dheer,  hiilka iyo hooda, ila hareera taagnaa. Mar labaad,  waxaan si weyn ugu mahad-celinayaa dhammaan Wax-garadkii, Aqoon-yahankii, Waayeelkii, Haweenkii iyo Hal-doorkii Dhallinyarada, ee codkoodu suurtagaliyey, in uu KULMIYE guulaysto, isla markaana aan noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidoo kale, waxaan uga mahad-celinayaa, guud ahaan, Shacbi-weynaha Somaliland, yuhuuntii, yidi-diilladii, iskaashigii iyo wada-shaqayntii, ay isla bar-bar taageen Xukuumadda Xisbiga KULMIYE, ee aan Odayga u ahay.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waa hubaal, in Xisbiga KULMIYE, uu ku guulaystay hoggaamintii talada dalka, mudadii uu dalka dawladda ka ahaa. Waxa hubaal ah, in Taageerayaashii noo codeeyey, aanay guul-daraysan, oo aanay is-ciil kaambiyeyn, isla markaana, aanay fartoodii marnaba hiifayn. Waxaan leeyahay, KULMIYE wuu guulaystay, dhammaanteena waynu guulaysannay.

 

Duco-qabayaal,

 

Waxa Lib idiinku filan, in aan taladiinii, iyo tacabkiinii midna aan lagu khasaarin. Waxa Lib idiinku filan, in Xukuumaddii Xisbigii aad doorateen, la mahadiyey.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Abaalkii aad, aniga iyo Xisbiga KULMIYE u gasheen, waxaannu ku gud-nay, in aanu dalkii ka hirgelinay horumar balaadhan, iyo is-beddel laxaadle, oo sida cad-ceeda u ifaya. Waxaannu ciwad-celin idiinka dhignay, in aanu fulinay barnaamijkii Xisbiga KULMIYE, iyo ballamihii aanu idiin qaadnay. Waxaan leeyahay, Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, sidii aad noogu listeen, ayaanu idiinku hambaynay.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Xilkii aad ii doorateen, waxaan ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, aan ugu maamulay, si caddaalad, sinnaan iyo xaqsoor leh. Xaasha, Deegaan, deegaan kama xigsan, gobolna, gobol kale, kama jeclaysan, isla markaana, ma kala dhaweysan, intiinii ii codaysay, iyo intii iga codaysay. Waxaan dalka ku soo maamulay, muddadii aan qarankan, hoggaamiyaha ka ahaa, dulqaad, dad isku-wad, dan guud jacayl, dir-sooc la’aan, danaysi nacayb, iyo dareen Oday-nimo.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Dhawaan, waxa dalka ka dhici doonta, Doorashadii Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo lagu dooran doono, Madaxweynihii i beddeli lahaa, isla markaana Qarankan, hoggaamin lahaa shanta sanno ee soo-socota. Madhaxa iyo Max-suulka doorashadani, waa mid saamayn weyn ku leh, nolosha iyo mustaqbalka Shacabka iyo Muwaadiniinta Somaliland.

 

Sidaa darteed, waxa waajib ku ah, ruux kasta oo leh xaq cod-bixineed, in uu u miidaan dayo codkiisa. Waxaan idiinku baaqaya, in aad doorashada ku gashaan nabadgelyo iyo deganaansho. Sidoo kale, waxaan idiinku baaqaya, in aad ix-tiraamtaan aragtiyaha iyo afkaaraha idinka soo horjeeda.  Anigu, waxaan ummadda u dooray, in hogaamiyihii i bedeli lahaa, uu noqdo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah siyaasi waayo-arag ah, oo ay ku duugan tahay karti, hufnaan iyo aqoon badani.

 

Soomaalidu, waxay ku maahmaahdaa, Hebel, jid mala martay, jabad mala degtay, jidiin mala cuntay.  Haddaba, waxaan leeyahay, Muuse ciyaar iyo caadifad, midna kuma dooran, ee aqoon dheer baan u leeyahay, kow iyo soddonkii sannadood, ee noloshayda u dambeeyey, wuxuu ka mid ahaa raggii garabka iyo gaashaanka ii ahaa, ee igu gedaannaa. Muuse, waxaan la maray jid-dheer, oo waxaan la degay jabad,  oo xitaa ardaagii Geel-jirahana, wada seexannay. Sidoo kale, jidiinna wada cunnay, oo iska daa wax kale’e, jabad cidla ah, labadayada oo qudhi, annaga oo qatan afar caano-maal, hilib Sakaaro ku dubannay.

 

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa dhammaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, in ay si buuxda isu bar-bar taagaan, isla markaana u codeeyaan Musharaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE. Waxaan aamin-sanahay, in Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu yahay, hoggaamiyaha ugu habboon, ee halkaa ka sii wadi kara hiigsigii aan lahaa, iyo horumarka uu dalku u baahan-yahay mustaqbalka dhaw iyo ka dheer.

 

 

Gallad Eebee Leh, Guulna Somaliland baa Leh,

Guulaysta,       Guulaysta,         Guulaysta,

Comments are closed