|

‘’Waxaanu Dhamaynay Tabashadii Reer Awdal’’ Murashax Muuse Biixi oo Duufaan Siyaasadeed Isaga Kiciyey Gobolka Awdal & Madax Dhaqameed Beeniyey Weedho ka soo Yeedhay DAAWO

Boorama 22. October 2017 (SDN/QJ):-Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb qaadanayay Dood loo qabtay Murashixiinta Sadexdda Xisbi qaran ayaa sheegay in Xukuumadda Iyo Xisbiga Kulmiye ee ay ka dhalatay ay dhameeyeen Tabasho hore uga soo yeedhay Beelaha dega Gobolka Awdal Waxaana Jawaabo duufaano ah kaga falceliyey Mid ka mid Salaadiinta Gobolka Awdal.

Hadaladan reer Awdal ay ka gil gisheen kuna tilmaameen been abuur  ayaa waxaa uu yahay ka dib markii Muuse Biixi uu sheegay in la dhameeyey tabashadii saami qeybsiga ee reer Awdal ka qabeen xukuumada , taas oo ay reer Borama si cad u beeniyeen , cadeeyeena in tabashadii ay wali taagan tahay

 

Suldaan ka mid ah madax dhaqameedka gobalka Awdal kana mid ahaa guddidii tabashada ee ka socdey gobalka Awdal ayaa waxaa uu hadaladaasi ku sifiiyey been Cad oo Muuse Biixi ula badheedhay reer Awdal waxaana uu nasiib daro ku tilmaamay ereyadaas ka soo yeedhay Musharax Muuse Biixi oo maanta cod ka doonaya waxaa uu reer Awdal cod dheer ugu baaq in Muuse Biixi ka fiirsadaan codka ay siinayaan madaama oo uu sidaas u hadalaayo

Comments are closed