|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xilkii ka qaaday Wasiirkii Hore ee Xidhiidhka Golayaasha Bedelkiisiina Magacaabay

Hargaysa 24. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4923/072017 uu xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada, kuna magacaabay wasiir cusub.

 

Xilka Qaadista Madaxweynuhu ku sameeyey wasiirku waxay u dhignayd sidan:

 

Ku:      Mudane, Cali Xaamud Jibriil

            Wasiirkii Hore Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo

            Technology-yada                                                                                                                           

Ujeeddo:        Xil-ka Qaadis

 

Mudane,

 

Waxaan kaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka qaranka ee Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaa, waxaanan kaa  rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo aan xilkaa u soo magacaabay.

 

Magacaabista Madaxweynaha ee Wasiirka Cusub.

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yada;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments are closed