|

Dawlada Federaalka Somalia & Laamaha Amaanka oo Soo Saaray Go’aano adag oo Ku Wajahan Cidii Taakulo Siisa Ururka Alshabaab iyo Waxa ay Mutaysanayaan DAAWO

Muqdisho 24. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo Booliiska oo Kulan Saxaafadeed Ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aano ay soo saareen Golaha wasiirada Soomaaliya kuwaasoo ku saabsan inaan wax taageero ah la siin Karin Alshabaab.

Wasiirka Amniga ayaa xusay in ay dambi tahay nooca kasta oo taageero la siinayo kooxda Al-shabaab sida ganacsi, siyaasad, qarin, xiriir, niyad u dhisid iyo wixii la mid ah cidii lagu helana ay dambiile loo aqoonsan doono.

Taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhankiisa sheegay in dhaqaale kala duwan ay Al-shabaab hesho kuwaasoo loogu yeero magacyo kala duwan, sida taakuleyn, Zakawaad, ganaax iyo qaar kale ayna dhamaantood yihiin mamnuuc.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray iney hayaan liiska ganacsato iyo shirkado si toos ah iyo si dadban lacag u siiyo Al-shabaab wuxuuna xusay in hadda ka dib aan loo dulqaadan doonin.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lacagahaas laga qaado cid kasta oo ay dhaqaale ku tuhmaan, waxaana uu tilmaamay in ay ka war hayaan in dadka Soomaaliyeed si joogto ah caga jugleyn ugu hayaan Al-shabaab.

“Waxaan ka war qabnaa baadaas ka sakow, in ganacsato iyo maal qabeeno Soomaaliyeed ilaa xad ku qanacsan fekirka Al-shabaab in ay jiraan, ganacsato iyo dadka kale oo hanti leh in ay si sahlan u taakuleeyaan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

 

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa shirka jaraa’id ka sheegay in laamaha amniga ee dalka ay diyaar u yihiin cidii awaamiirtan jabisa in ay sharciga hor geeyaan.

Qodobada ka soo baxay laamaha amaanka ayaa waxay kala yihiin sidan:-

 

1-In aan la aqbali doonin in lacago la siyo Alshabaab taasi oo ay ugu yeeraan taakuleynta iyo sakawaad.

2- Cid kasta oo alshabaab lacag siiso in talaabo laga qaado,lamina aqbalayo in mar marsiyo laga dhigto handadaad

3-Ganacsatadu waxaa looga digayaa in ay taageeraan Alshabaab oo ay lacago siyaan.

4-Cidii Al-shabaab u aqoonsata maamul jira talaabo ayaa laga qaadayaa.

5-Xawaaladaha dalka ka jira Alshabaab lacago uma keydin karaan, lacagna uma diri karaan.

6-shirkadaha Isgaarsiinta uma fududeyn karaan adeegyada kala duwan ee isgaarsiinta.

7-Caawa laga bilaabo ninkii ganacsade ah oo aado deegaano Al-Shabaab maamulaan sida Tooratoorow iyo deegaano kale lacagna u geeya waa xabsi, hantidiisana Dowladda ayaa la wareegaysa.

 

8-Cid kasta oo go’aamadan ka hortimaada talaabo ayaa laga qaadayaa, cid looga aaba yeelaayana ma jirto.

 

Comments are closed