|

Madaxweyne Farmaajo oo La Sheegay inuu Ka Dhego adaygay Dalab uga Yimid Itoobiya oo rabtay in lagu soo wareejiyo Hogaamiye ONLF ah iyo Warbaahinta Itoobiya oo si weyn wax uga qortay

Muqdisho 31. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diidey in magaalada Muqdisho laga ka xeeyo ,Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo la sheegay inuu ka mid yahay saraakiisha ururka ONLF.

Ciidamo ka tirsan nabadsugidda federaalka ayaa toddobadkii hore ka soo saarey sarkaalkan xabsi ku yaalla magaalada Gaalkacyo,waxaanna hadda la xaqiijiyay in lugu hayo xarunta ciidamada nabadsugidda ee magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hor-joogsadey qorshe uu ku doonayay madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland Axmed Madoobe in magaalada Kismaayo loo soo wareejiyo ninkaan,balse madaxweyne Farmaajo ayaa ku wargeliyay saraakiisha nabadsugidda in magaalada Muqdisho aan laga ka xeyn karin Cabdikariin Qalbi-dhagax.

Xog kale oo ay heshay warbaahinta waxaa ay xaqiijineysa in madaxweynaha Soomaaliya uu ka diidey saraakiil ka tirsan dowladda Itoobiya in ninkan lugu soo wareejiyo,iyagoo marka sheegay in dambiyo uu ka galay Itoobiya.

Xogtan ayaa beenineysa warar soo baxay oo sheegaya Qalbi-dhagax in lugu wareejiyay dowladda Itoobiya,laakin dowladda dhexe ee federaalka ah iyo hay’adda nabadsugidda federaalka ma jirto wali warbixin looga hadlay ninka ay ciidamadu gacanta ku hayaan ee la sheegay inuu ka tirsan yahay saraakiisha ururka ONLF oo ka dagaallama dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wararka ku saabsan, Cabdikariin Qalbi-dhagax ayaa maalmahan aad looga hadal hayay guda dalka,tan iyo markii Galmudug ay sheegtay in xabsi ay maamullan lagala baxay…

Dhanka Kale Warbaahinta Itoobiya ayaa baahiyey in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Itoobiya u Gacan-gelisay Sarkaal la sheegay inuu ka mid yahay Jabhadda ONLF ee xorreynta Ogaadeeniya ee Dalka Soomaaliya.

 

Warbaahinta Internet-ka ee Itoobiya laga leeyahay, sida Wakaaladda Wararka ee Magaceedu yahay Ethiopia Observer ayaa lagu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay Dawladda dhexe ee Itoobiya u Gacan-gelisay Nin lagu Magacaabo Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhgax), kaasi oo la Weriyey in Ciidammada Soomaaliya ku qabteen Magaalada Cadaado ee Dalka Soomaaliya.

Comments are closed