|

“Tartankii Guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilladu Waxay Ku Tusaysaa, In Isaaqii Hunguriga weynaa Dib u Joogsaday..” Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay Ahmiyadda ay leedahay in Qofka bani-aadamka ahi uu noqdo Xalaal Miirad ama uu ku noolaado Arsaaqad Xalaal ah isla-markaana uu Ubadkiisa iyo Ehelkiisa kala cararro wixii Xaaraan ah.

Musharraxa Xisbiga UCID  ayaa ka warramay in Xilligii Dawladdii Kacaanka ahayd ee Soomaaliya oo uu ahaa Maareeyaha Dhulka ee Magaalada Muqdisho uu diidi jiray Lacagaha Xaaraanta ah ee ay u keenaan Dadka doonaya in shaqo loo qabto, taasna uu ka faa’iidey oo Carruurtiisii si wanaagsan u aflaxeen.

Faysal oo la dardaarmaya Suldaanka uu Caleemo-saarkiisa ka qayb-galay ayaa yidhi “Waxaan jecelahay inaad sidii Aabbahaa aad Xalaal Cun noqoto.”

Faysal oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Waxaan Xasuustaa markii aan ahaa Maareeyaha Dhulka ee Xamar ayay Dadku ii iman jireen oo ay igu odhan jireen, Adduunku waa Maalmo ee Adiguna nooloow, Annaga na noolee waxayna i siin jireen Kharash, Dabadeedna waxaan ku odhan jiray Carruur baa naga hadhaysa, Carruurtayada Xaaraan siin-mayno oo ILAAHAY-baanu Arsaaqad Xalaal ah waydiisanaynaa, oo ILAAHAY wuu bixin karaa Arsaaqad badan oo Xalaal ah, markaa waa in Xaaraanta la iska ilaaliyo, Waayo? Taasi (Lacagtaa aan diidi jiray) waxay ii keentay in ILAAHAY uu Carruurtaydii Aflixiyey, Mid-baa Suuriya iga tagay oo Diinta u jibbooday ee iigu duceeya in ILAAHAY (SW) ii Nabad-keeno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Aabbahay Sagaashan Sannadood ayuu Caaqil ahaa, waxaanu ku dhintay 110 Sano jir, wuxuu ahaa Xalaal Cun, Jagadii Aabbihii mooyaane Jago kale noogamuu dhiman Aabbahay.”

Faysal waxa kale oo uu ka hadlay Doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada oo ka soo kala jeeda Gobollada AWDAL iyo SOOL “Waxa dhacay Laba Doorasho, Guddoomiye-nimadii Golaha Wakiillada waxa u tartamay Laba Xildhibaan oo Dhulbahante ah, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada waxa u tartamay Saddex Xildhibaan oo Reer AWDAL ah, taasi waxay ku tusaysaa in Isaaqii Hunguriga weynaa dib u joogsaday.”ayuu yidhi.

Comments are closed