|

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Gaadhay Magaaladda Qardho,Waxyaabaha uu La Yaabay & Hadyad uu Gudoonsiiyey Boqorka Beelaha Daarood DAAWO

Qardho 10. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo dhawrkii cisho ee u danbeeyay ku Sugnaa Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Punt land ayaa Maanta waxa uu Booqasho ku tegay Magaaladda Qardho halkaas oo si diiran isaga iyo Weftigiisa loogu soo dhaweeyay.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliyay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, waxayna si wadajir u dhax dhigeen mashruuca dhismaha waddada magaalada Dangoroyo iyo Eyl.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadyad ahaan loo gudoonsiiyey Gamaanka Fardaha iyo Go’ shaal ah oo inta badan soomaalidu isku muunayso waxaana hadyadan bixiyey boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan.

Comments are closed