|

Madaxweynihii Hore Ee Puntland Faroole Oo Somaliland ku Canbaareeyay Dagaalkii Tuko-raq Si adagna u Dhaliilay Madaxweynaha Punt land hadal uu Ku Sheegay in Somaliland Gabood u Tahay Argagixisadda Caalamiga ah DAAWO

Garowe 10. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynihii Hore ee Maamul Goboleedka Punt land Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Faroole oo ku Sugan Magaaladda Garowe ayaa Xukuumadda Somaliland ku canbaareeyay Dagaalkii ka dhacay deegaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool.

Xildhibaan C.raxmaan Faroole Waxaa kale oo uu Madaxweynaha Punt land ku dhaleeceeyay hadal uu ku sheegay in Somaliland ay gaashaan u tahay Kooxaha argagixisada ee Al shabaab iyo Daacish inkasta oo uu sheegay inay jiraan meelo aan maamulku gaadhin oo ay kooxahaasi mari karaan hasa yeeshee waxa uu hoosta ka xariiqay in hadalka Cabdiweli Gaas aan la qaadan Karin,maadaama ay Somaliland Samaysatay nabadgalyo adag isla markaana aanu jirin Hal kiis oo argagixiso ah oo ka dhacay.

Comments are closed