|

Madaxweyne Farmaajo oo Mas’uul Cusub u Magacaabay Xarunta Villa Somalia

Muqdisho 01. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Faraamjo ayaa u magacaabay Fahad Yaasiin in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu Fahad Yaasiin u magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxweynaha.

 

“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo”ayaa lagu yiri War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

 

 

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo ahaa shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa.

 

Magacaabista Fahad Yaasiin ayaa imaneysa xili maalmihii ugu danbeeyay siweyn loo hadal hayay in loo magacaabi doono La taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha, hasse ahaatee ugu danbeyntii waxaa maanta loo magacaabay agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya.

Comments are closed