Garoowe Feb 16 2013 (SDN)– Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay dilkii shalay Magaalada Garoowe loogu geestay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacameey oo ahaa sheikh caan ah.
Faroole ayaa sheegay in ruuxa ay gacanta ku hayaan oo ay ciidanka qabteen in lagu magacaabo C/raxmaan Xuseen Jaamac Bile oo iminka Puntland u xiran.
Dilalka loo geesto dadka waxgalka u ah Bulshada ayuu sheegay inuusan Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacameey ugu horeynin balse Shabaab ay horay udileen dad isugu jira waxgarad iyo sidoo kale culimo caan ka ah deeganada maamulka Puntland.
Ilaa iyo iminka majirto wax war ah oo kasoo baxay Ururka Al-Shabaab oo ku aadan eedeenta loo jeediyay ee ah inay ka dambeeyeen dilka loo geestay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacameey.
