Washington Jan 14 2012(SDN)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu yahay dalka Jamhuuriyada Jabuuti ay ka qeyb qaateen weerarkii dhawaanta Komaandiista Faransiiska ay ku qaadeen xero Shabaabku ku leeyihiin Buulo Mareer.
Shabaabka ayaa ilaa sanadii 2009kii waxa ay maxbuus ahaan u heystaan sarkaal ka tirsan ciidamada Sirdoonka ee dalka Faransiiska.
Madaxweyne Obama ayaa qoraal uu u diray aqalka Congresska ayaa ku sheegay in ciidamada cirka ee Mareykanku ay gacan siiyeen Komaandoosta Faransiiska ee weeraray Buulo Mareer Jimcihii ina dhaafay.
Qoraalka Obaama ayaa lagu sheegay in duyuuradaha Mareykanka aaney ridin wax rasaasa.
Sida uu saxaafada u sheegay sarkaal ka mida ciidamada Mareykanka duyuuradaha Mareykanka ayaa ka duulay xarun Mareykanku leeyahay dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
Ma aha kolkii u horeysay ee madaxweyne Obama ka hadalo weeraro cidamadoodu ay ka fuliyeen Soomaaliya,bishii July ee sanadkii hore ayay aheyd mar Obama uu shaaciyay hawlgalo Mareykanku ka fuliyeen Soomaaliya iyo Yemen.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com
