|

Madaxweyne Siilaanyo oo Dhanbaal Tacsi ah u Diray Mas’uul ka Tirsanaa Boqortooyadii Ingiriiska ee Mustacmarada u ahayd Marxuun John Drysdal oo Hargaysa ku Geeriyooday & Waraysi Taariikhi ah oo uu Bixiyey Markii uu Islaamay

Hargaysa 11.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya Magaciisa ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa,  waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanada, bahda qorayaasha, Dawladda Ingiriiska iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle haw Naxariistee Marxuum Cabbaas Idiris  (John Drysdale) oo ku geeriyooday 10.07.2016, Magaalada Hargeysa, iyadoo 12.07.2016, Maalinimada Salaasada lagu aasi-doono Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Cabbaas Idiris (John Drysdale)

                 Marxuun Cabbaas Idiris Ex (John Drysdale)

Madaxweynuhu waxa uu ku sifeeyey marxuumka nin hawlo qaran oo culus u soo qabtay dalka iyo dadka Somaliland , kana mid ahayd diiwaangelinta dhinaca beeraha ee degmooyinka dalka, isagoo hoggaamiye ka ahaa mashruuca diiwaangelinta beeraha ee Wasaaradda Beeraha Somaliland ka tirsan laguna magacaabo (Cadastral Survey) kaasoo wax badan ka qabtay muran dhex mari jiray beeralayda. Waxa kale oo uu marxuumku ahaa nin waayo arag ah, aqoon yahan ah, iyo qoraaba oo taariikhda Somaliland hayey, waxna ka qoray ilaa muddadii uu dalka yimid oo ahayd 1940-naadkii, muddooyinkii dambena ahaa la taliyaha wasaaradda beeraha. Marxuumku waxa uu ahaan jiray Sarkaal iyo khamiir dhinaca ciidamada ah.

 

Marxuumku waxa uu dedaal badan geliyey sidii ay u muuqan lahayd Somaliland, aqoonsi caalamiyana u heli lahayd, taas oo u horseeday inuu qaato diinta Islaamka sanadkii 2009kii, dad badan oo muwaadiniin ahina ay ku farxeen.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanada, bahda qorayaasha, Dawladda Ingiriiskaqoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Waraysi uu Bixiyay Marxuunku intii uu Noolaa ayuu kaga waramay Isbedelka Noloshiisa ku Yiimid Markii uu Diinta Islaamka qaatay.

John Drysdale oo ah nin dhalashadiisu Ingiriis tahay, madaxna ka ah Hay’adda Somaliland Cadastral Surveys ayaa Axadii todobaadkii hore si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu muslimay, isla markaana ashhaadada loogu qabtay masjidka Tabliiqiinta ee magaalada Hargeysa, taas oo uu sheegay in go’aankan uu ku muslimay uu muddo toban sanadood ah uu ka fikirayey isla markaana ay talooyin ugu soo jeediyeen inuu diinta islaamka galo, shaqaalaha ka shaqeeya hay’adiisa, taas darteedna uu sheegay inuu ka ogolaaday, isagoo intaa ku daray in muddadii ka horeysay intaanu muslimin uu jidhkiisu wasakh ahaa, balse uu tilmaamay muddadii uu muslimay inuu dareemay inuu jidhkiisu nadiif yahay, isagoo dhinaca kalana u soo jeediyey cidkasta oo diinta islaamka dibada ka ahi inay muslinto.

Cabaas Idiris waxaa uu sheegay in uu shanta wakhti ee salaada tukado, isla markaana uu barto Quraanka Kariimka iyo luuqada Carabiga iyo Axkaamta shareecada islaamka, waxaanu John Drysdale oo hadda loo bixiyey Cabaas Idiris uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf waraysi khaasa kula yeeshay xafiiskiisa Hay’adda Cadastral Surveys  ee magaalada Hargeysa ku leeyahay, kaas oo uu sidoo kale kaga waramay in hay’adiisu a 13 kun oo beero ah ay ka xadaysay gobolada Awdal iyo Maroodi Jeex, sanadkan cusub ee 2009 kana ay u qorshaysan tahay inay kala xadeeyaan kun beerood oo ku yaala gobolka Saaxil, waraysigaasina waxaa uu u dhacay sidan:

Mr: Cabaas Idiris oo hore loo odhan jiray John Drysdale oo ka waramaya maalintii uu islaamay waxaa uu yidhi “ Axadii toddobaadkii hore ayaan masaajidka Tabliqiyiinta ee magaalada Hargeysa salaadii Duhur si rasmi ah ugu muslimay taas oo culuma’udiinkii joogay-na ay Ashhaadada ugu qabteen ka dibna ay salaadii duhur aan kula tukaday”

Maxaa kugu dhaliyey inaad diinta islaamka aad soo gasho oo aad muslinto, waxa uu ku jawaabay Cabaas “ Runtii saaxiibadayda shaqaalahayga Hay’ada ayaa in badan igu guubaabin jiray inaan muslimo, ana taladoodaasi waan ka ogolaaday laakiin muddo dheer oo toban sanno gaadhaysa ayaan ka fikiraayey sidii aan muslim u noqon lahaa, dabadeedna ilaahay mahaddii markii dambe ayaan go’aan ku gaadhay maadaama oo aan da’joogo inaan diinta Islaamka ku biiro oo wixii imika ka dambeeya iska cibaadaysto”

S: Intii aanad soo islaamin magacaaga waxaa la odhan jiray John Drysdale hadda oo aad islaantay magacii miyaad bedeshay ?

J: Haa oo waxaan la baxay magac cusub, waxaana la I yidhaahdaa Cabaas Idiris.

S: Goorma ayaad timid Somaliland ?

J: waxaan imid Somaliland markii iigu horeysay 1943 kii, anigoo wakhtigaa ahaa Sarkaal sare oo General ah oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamada Ingiriiska, lix bilood ayaana ku soo qaatay dagaalkii Barma, markii dambe ee aan imidna waxay ahayd 1991 kii markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga madaxbanaanida Somaliland oo aan ka qaybgalay shirkii lagu qabtay Burco, markii shirkaasi dhamaadayna ee aan dalkaygii ku noqdayna waxaan qoray sideed Buug oo ka waramaya taariikhda jiritaanka Somaliland, markii dambena waxaan soo noqday 1993 kii ilaa imikana sidii baan u joogaa, balse 1998 kii oo wakhtigaa aan la taliye u ahaa madaxweynihii hore ee Geeriyooday ee Marxuum Cigaal ayaan go’aansaday inaan bilaabo hay’adan kala xadaynta beeraha, taas oo aan qalabkii lagu kala xadaynayey beerahana aan dalka keenay, muddada hawshaa kala xadaynta beeraha aanu ku jirnay-na waxaanu Survey garaynay beero tiradoodu gaadhayso 13 kun oo Beerood, oo ku kala yaala gobolada Awdal iyo Madoori jeex, taas oo sanadkan cusubna ay noo qorshaysan tahay inaanu kun Beerood oo ku yaalla gobolka Saaxil aanu kala xadayno.

S: Ma noo sheegi kartaa dareenkaagu sida uu yahay muddadii ka horeysay intaanad islaamin iyo muddadan aad soo islaantay waxa faraqa ee u dhexeeya ?

J: Runtii maalmihii hore ee aanan muslimin jidhkaygu wasakh ayuu ahaa, imika oo aan muslimayna jidhkaygu waa daahir oo aad buu nadiif u yahay, waxaanan dareemayaa naxariis, Quraanka Kariimka iyo Carabigana waxaan ku talo jiraa inaan barto, shanta salaadood si xidhiidh ah ayaan u tukadaa.

S: Maxaad kula talin lahayd ehelkaagii iyo qaraabadaadii reer Ingiriis maadaama oo aad muslintay adigu ?

J: waxaan kula talin lahaa Qoyskaygii iyo eheladaydiiba iyo cid kasta oo diinta islaamka dibada ka joogtaba waxaan u soo jeedinayaa inay diinta Islaamka soo galaan, waxaase ilaahay mahadii ah inaan anigu nasiib u helay anigoo jooga dalka Somaliland oo ah dal muslin ah oo dadkiisuna yahay ummad muslimiin ah, waxaanan qabaa inaan diinta Islaamka iyo Axkaamteedaba barto muddada aan Somaliland joogo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. 

Comments are closed