|

Wasiir Warancade oo Sharaxay Sax iyo Khalad ka uu Yahay Soo Gelitaankii Ciidanka Itoobiya ee Gudaha Somaliland DAAWO

Hargaysa 11.July 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa sharaxaad ka bixiyay khalad iyo sax ka tahay ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaan gudaha u galay xadka ay Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya.

WarancadeWasiirku waxa uu arrintani kaga hadlay su’aalo dhawr ah oo ay weriyayaal ka tirsan warbaahinta maxaliga ahi manta ku weydiiyay xarunta Wasaaradda Deegaanka oo uu xaflad kaga qaybgalay.

“Ciidamada Somaliland gudaha ayay u galaan Itoobiya oo aan u diraa, laakiin waxay galaan iyaga oo ogolaansho ka haysta Itoobiya, khaladna wuu dhici karaa, balse labada dal waa laba dal oo saaxiib ah arrintaasina waa laga hadli karaa”. Ayuu yidhi Wasiirka oo hadlaya ciidamadaasi.

Laakiin wasiirku si cad uma sheegin inay ciidamada Itoobiya ogolaansho ka haysteen iyo inkale.

Hase yeeshee, waxa kale oo la weydiiyay wasiirka xadhiga weriye Somalilander ah oo ilaa bishii ina dhaaftay ku xidhan ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ka dib markii ay xadka wajaale dhinaca Itoobiya ay ka kaxeeyeen ciidamo Itoobiyaan ahi “Wuu soo bixi doonaa Insha Allah” ayuu si kooban yidhi Wasiirku isaga oo arrintaasi ka hadlaya.

Waxa kale oo uu Wasiirku ka hadlay xadhiga Sheekh iyo Fanaan ay dhawaan ciidanka bileyska Somaliland xidheen. “Sheekha Aadan Sune iyo Farxaan xidig (Fanaan) labadaba cadaalada ayaa la marinayaa, isla markaana baadhis baa socota haddii wax lagu helana maxkamadda ayaa la keeni, haddii kalena waa la iska soo deyn doonaa” ayuu yidhi Wasiirka.

Sheekha ayaa la xidhay ka dib markii dhawaan lagu soo eedeeyey arrimo xagga diinta oo uu ka hadlay oo ay xukuumaddu dhibsatay, halka Fanaankana loo haysto inuu xagga Somalia tegay.

Comments are closed