|

Madaxweyne Xasan: Shabaab lama xaajooneyno

Muqdisho November 26, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa meesha ka saaray in uu wada hadal dhexmaro dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuux-nuux saday in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in Al-shabaab looga adkaado dhanka milateriga, halka ay wada hadal la geli lahaayeen.

Wuxuu sheegay in dowladda ay guulo la taaban karo ka gaartay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee socda, iyagoo dib ula wareegay deegaanno badan oo ay horay gacanta ugu hayeen kooxda xagjirka ah. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah oo looga hortagayo Al-Shabaab, waxaana uu xusay in saaxiibada caalamka ay bixiyaan kaalmooyin kala duwan oo isugu jira cunto, daawo iyo tababaro ciidan, balse waxa uu meesha ka saaray in ciidamadooda safka hore galaan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in tan iyo markii dowladda ay bilaawday la dagaalanka Al-Shabaab in ay xoreysay in ka badan 80 degaan. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidii ay u carqaladeyn lahayd shabakadaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab.

Comments are closed