|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaamiyaha Suudaan uga tacsiyeeyay geerida Al Turaabi

Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiiyeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan Cumar Xasan al-Bashiir, iyo shacabka reer Suudaan, geeridii ku timid Dr Xasan al Turaabi oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha asxaabta siyaasadda ee Suudaan, isla markaana xilal kale oo sare dalkaasi ka soo qabtey.

Madaxweynaha

“Innaa Lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo keygaba, waxaan idin la qeybsanayaa tiiraanyada geerida marxuum Al Turaabi oo naga wada dhintey. Labada shacab ee Soomaaliya iyo Suudaan waxaa ka baxay shakhsi qaali ah oo waddamada Carabta iyo caalamka Islaamka ay tebi doonaan’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka reer Suudaan ee uu ka baxayna uu samir iyo imaan ka siiyo.

Comments are closed