|

Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Fariin U Diray Ururka Al-shabaab

Xasan_Sheekh_Mooshin_ka_hadlay_660Muqdisho,28Oct,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saaray farriin ku socota xubnaha Al-shabaab. Taas oo uu sheegay inay la xidhiidhto khliaafka soo dhexgalay kooxda, sida lagu sheegay warbixin uu madaxweynuhu soo saaray.

“Waxaan si dhow ula soconaa khilaafka aan qarsoonayn ee soo kala dhex-galay xubnaha ururka Al-shabaab ee ku saabsan inay daacad u noqdaan Al-Qaacida ama Daacish (ISIL) oo aan dhihi karo magacooda rasmiga waa; kuwii wax bur-burinayay,’’ ayuu fariintiisa ku yidhi Xasan Sheekh.

Isagoos sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Xaqiiqdii, labadan kooxood ee Daacish iyo Al-Qaacida waxay u taagan yihiin inay wax burburiyaan. Waxayna labaduba diiradda saaraan gumaadka iyo dhimashada, mana kala soocaan dadka ay dhibaateynayaan, ama waxay u geysanayaan: Waxay dilaan dadka muslimiinta ah ee kasoo horjeeda nidaamkooda, waxay sidoo kale dilaan dad aan waxba galabsan oo ka soo jeeda diimaha kale.”

“Waxay labaduba cabburiyaan xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah, sida xuquuqda waxbarashada ee wiilasha iyo gabdhaha iyo weliba xuquuqda dumarka. Waxaa dhamaantood ka go’an wax burburinta, sida dadka, qoysaska iyo weliba dalkeenna. Waxa keliya ee ka go’an waa wax burburin, sidaa darteed magaca Daacish waa mid si gaar ah ugu habboon falalka guracan ee ay ku jiraan,’’ ayuu mar kale yidhi madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, wuxuu si kulul u naqdiyay sida khaldan ee argagixisadu ay u adeegsanayaan magaca diinta Islaamka.

“Fikirka argagixisadu waa mid mar walba laba lagu saleeyo sida sax iyo khalad, waxa san iyo waxa xun, inaga iyo iyaga iwm. Waxay sheegtaan in ay ku jiraan dagaal ay doonayaan inay kusoo dhisaan xukuumad barakeysan oo Islaami ah oo khaliifyo ay ka taliyaan, balse xaqiiqdu waxay tahay in aanay jirin wax barakeysan oo meesha ay ku hayaan oo la xiriira hab dhaqankooda iyo ujeedka ay sheeganayaan,’’ ayuu madaxweynuhu ku yidhi fariintiisa.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah farriin ugu diray Al-shabaabta Somalia. Isagoo yiri. “Ha u maleynina in fursadaha idin bannaan ay ku kooban yihiin oo keliya inaad daacad u noqotiin Al-Qaacida ama Daacish si ay idinku noqdaan madax maqaar saar ah. Waxaa jirta fursad kale oo taas ka wanaagsan, taasoo ah mid sax ah oo barakeysan: waa waddada nabadda’’.

“Khilaafkan ka dhex-aloosan Al-shabaab wuxuu astaan u yahay koox mar hore ay jihadu ka luntey, isla markaana weli ku dheggen fikir khaldan iyo xulasho aan sax ahayn oo mus-taqbalkooda la xiriirta. Ma dooneyno nooc cusub oo cabsi & caburin lagu beerayo Somalia. Soomaaliya wey kusoo daashay khasaaraha ka soo gaaray noocyada argagixisada,’’ ayuu yidhi madaxweynaha Xasan Sheekh.

Wuxuuna intaas ku daray. “Sidii aan horey u sheegnay, isla markaana aan mar walba ku celin doono inta aad weli jirtaan, waxaan mar kale idiin sheegayaa haddaad dareemeysaan inaad lahaysteyaal u tihiin, isla markaana aad ka fikireysaan fursad taa ka duwan, waxaa idin furan in aad dowladda u soo gacan haatisaan. Meel kasta, goob kasta iyo sida ugu macquulsan ee suura-galka ah ayaad nagula soo xiriiri kartaan. Waxaa diyaar idiin ah oo idiin furan dhego iyo gacan wax idiin qaban doonta. Dowladda Somalia waxay si buuxda u damaanad qaadi doontaa nabad-gelyadiinna iyo bed-qabkiina. Shuruudda keliya ee aan dooneyno in aad fulisaan waxay tahay in aad diiddaan ama aad dhinac iska dhigtaan Al-shabaab iyo fikirka ay ku dhaqmaan ee ku saleysan dagaalka iyo colaadda.”

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu fariintiisaan qoraalka ku yiri. “Anigoo ku hadlaya magaca dowladda federaalka, waxaan idinku boorrinayaa in aad doorataan waddada nabadda.’’

Comments are closed