|

Ururka Midowga Afrika oo dhinacyada South Sudan ku dagaallamaya ku eedeyay inay galeen dambiyo

Jubba,28Oct,2015(QJ/SDN)-Muddo dheer kaddib ayuu ururka Midowga Afrika wuxuu markii ugu horreysay shaaciyay warbixin ka hadlaysa xad-guduyada kala duwan ee ka dhashay colaadaha ka socda dalka Koonfurta Suudaan.

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya Koonfurta Suudaan ee xukuumadda iyo kooxaha uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar ay galeen dambiyo dagaal iyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in xadgudubyada ay ka mid yihiin; kufsi, dilal aan naxariis lahayn, jir-dil, falal ka baxsan bani’aadamnimada, afduub joogto ah iyo xad-gudubyo kale.

Sidoo kale, guddiga warbixintan soo saaray ee Midowga Afrika ayaa sheegay in aysan weli helin wax caddeynaya in dalkaas ay ka dhaceen xaquuq baahsan, intii uu socday dagaalka sokeeye, balse waxay xuseen in xadgudubyada la diiwaan-geliyay ay mas’uuliyaddooda qaadayaan labada dhinac.

Xukuumadda Koonfurta Suudaan ayaan weli ka hadlin warbixinta Midowga Afrika ee ku saabsan inay galeen xad-gudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada, iyadoo mucaaradka ay si kooban uga hadlay warbixintan.

Ezekiel Lol Gatkuoth oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee ururka SPLA ayaa sheegay in mucaaradku aysan wax walwal ah ku hayn dambiyada warbixinta lagu sheegay, wuxuuna u sababeeyay in loo baahan yahay in falalka aan la iskula xisaabtamin la baabi’iyo.

“Dabcan, sida lala socdo waxaa lasoo saaray war-saxaafadeedyo dhowr ah tan iyo sanadkii 2014-kii, waxaana dhowr jeer oo hore uu hoggaaminaya kooxda SPLA, Riek Machar Teny uu dalbaday in lasoo saaro warxbixinta ku saabsan dadka ku kacay falalka xad-gudubyada ah ee ka dhacay dalkan intii ay colaadu socotay; laakiinse ugu dambeyn hadda ayaa lasoo saaray,” ayuu yiri danjire Gatkuoth.

Guddiga Midowga Afrika ayaa si isku mid ah ugu eedeeyay kooxda SPLA ee mucaaraadka ah iyo weliba xukuumadda South Sudan inay ku kaceen falal dambiyeedyo dilal ah.

“Dilal wadareedyadan waxay loo geystay, 134 qof oo kasoo jeeda Nuer oo si bareer ah loo dilay. 90-qof oo rayid ah oo iyagana kasoo jeeda Nuer oo lagu dilay magaalada Juba, 107-qof oo iyagana lagu dilay deegaannada Khor William iyo Munuki. Dad rayid ah oo ka soo jeeda iyaguna beelaha Nuer iyo Dinka ayaa lagu dilay Bor iyo Malakal,” ayay guddigu ku sheegeen warbixintooda.

Gatkuoth oo ka hadlayay arrintan ayaa sheegay inaysan SPLA iyo Machar wax lug ah ku lahayn eedeymahan oo aan lagula xisaabtami karin, waayo buu yiri waa dambi ay ka dam-beeyeen siyaasiyiinta xukuumadda Koonfurta Suudaan.

Isagoo intaas ku daray in haddii ay jiraan xubno labada dhinacba ka tirsan oo si iskood ah dambiyo u galay ay tahay in lagula xisaabtamo; balse aan dusha laga saarin cid aan wax dambi ah gelin.

“Hagaag… haddii aad eegto, dhamaanteen oo uu ku jiro hoggaamiyaheenna ugu sarreeya mucaaradka, Riek Machar waxaanu nahay dhibbanayaal. Waayo haddii ay xukuumaddu na qabto xukunkeennu waa dil. Aniga waa la i qabtay, maxkamad ayaa la i soo taagay anigoo la igu eedeeyay inaan doonayay inaan afgambiyo xukuumadda, laakiin waa la igu waayay dambigaas, waana la i daayay; marka dhamaanteen waxaan nahay dhibanayaal, mana jirto cid qabtay kuwii falkaas nalgula kacay oo la xisaabtamay,” ayuu mar kale yiri Gatkuoth.

Ugu dambeyn, Guddiga ururka Midowga Afrika ee warbixintaan soo saaray ayaa sheegay inay hayaan liiska xubnaha dambiyada loo haysto, balse kuma aysan soo darin wabixintan ay sii shaaciyeen.

 

 

Comments are closed