|

“Madaxweynuhu Sharciga Isagaa Qoray, hadduu doonana Sidaasuu u marayaa, hadduu doonana Sidaas..” DAAWO

Hargaysa 22.Aug 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayay oo socdaal sadex maalmood qaatay ku tegay gobolada bariga, gaar ahaan Sool ayaa shalay gelinkii danbe dib ugu soo laabtay xarunta Hargeysa, isla markaana jidka halbawlaha ah ee hor mara madaxtooyadda ayaa la xidhay laba saacadood ka hor imaanshihiisii, taasoo  xanibtay isu socodkii gaadiidka ee magaaladda dhexdeeda.

SHARCIJEBINTA-MADAXWEYNE-SIILAANYO-EE-JIDKA-HARGEYSA-4

Photo: Sharci Jebintii Madaxweynaha ee Waddada Halbawlaha ah ee Caasimada Hargaysa

Marka loo eego habka marista wadooyinka magaalada Hargeysa, waxay ahayd weftiga Madaxweynuhu inuu maro waddada Cusbatalka guud dhabarkiisa marta, halkaana kaga hoydo madaxtooyada, hase yeeshee waxa loo xidhay jidka hor mara madaxtooyadda, kaasoo ay mari karaan oo keliya gaadiidka jihadda bari u socdaa, halka kuwa jihadda galbeed u socdaanna ay mari karaan jidka Cusbatalka dhabarkiisa mara.

Hase yeeshee shalay markii sadexaad madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu waxay si khaldan u mareen jidka hormara Madaxtooyadda, kaasoo markii hore ee ay magaaladda ka baxayeen ay u mareen qaabkii sharciga ahaa.

timthumb (53)

Photo: Sharci Jebintii Madaxweynaha ee Waddada Halbawlaha ah ee Caasimada Hargaysa

Dad badan oo ka mid ahaa bulshadii isu socodkoodu xayirmay markii la xidhay jidkaa, ayaa iswaydiinayay sababta ay madaxtooyadu u ixtiraami la’dahay hannaanka wada marista magaaladda. “Madaxweynuhu wuxuu ka yimi jihadda bari, sharcigunna wuxuu ahaa inuu maro jidka Cusbatalka guud dhanka woqooyi ka mara ee loo asteeyay baabuurta galbeedka magaaladda u socota. Haddii kaa loo xidho waqti macquul ah dhibaato ma laha, oo dunidda kaleba way ka dhacdaa in loo xidho haddii loo baahdo, laakiin caalamka kama dhacdo inta laga weeciyo haadkiisii in loo xidho haad aanuu maristiisa xaq u lahayn, inuu u maro qaab ka hor imanaya sharciga.” Sidaa waxa yidhi Maxamuud Jaamac oo ka mid  ahaa dad watay gaadiid kala hagayaasha gaadiidku hakiyeen socodkooda una sheegeen in jidku xidhan yahay, kaasoo ka hadal celinayay amarka taraafikadda. Qaar kale oo ka mid ahaa dadkaa ayaa iyana sidaas oo kale ku tuurtuuray ciidanka hadalo ay ka mid ahaayeen sharciga miyaan loo sinayn? Madaxtooyadu ma siday doonnaan bay u marayaan waddada? iyo wax la mid ah.

timthumb (54)

Photo: Sharci Jebintii Madaxweynaha ee Waddada Halbawlaha ah ee Caasimada Hargaysa

Hase ahaatee mid ka mid ah askarta taraafikadda ayaa ka hadal celiyay weedhahaa, isla markaana ku celiyay amarkii uu hore u siiyay. “Madaxweynuhu sharciga isagaa qoray, hadduu doonnana sidaasuu u marayaa, hadduu doonnana sidaasuu u marayaa, haddana Madaxweynihii wuu soo dhaw yahaye, ka dhaqaaqa meesha ” ayuu yidhi sarkaal horjooge u ahaa askar taagnayd is goyska Baar Hargeysa. Maxamuud Jaamac oo ka mid ahaa dad saaraa mid ka mid ahaa gawaadhi halkaa taagnayd ayaa ku celiyay oo ku yidhi; “Madaxweyne Siilaanyo waa madaxweyne la doortay, shacabkiisuna jecel yihiin, markaa maxaa looga ilaalinayaa? Midda kale  khaladku dhankiisa maaha ee waa cidda agaasinka safarka qaabilsan cidda khaladka yeelanaysaa .”

timthumb (55)

Photo: Sharci Jebintii Madaxweynaha ee Waddada Halbawlaha ah ee Caasimada Hargaysa

Mar kale ayaa sarkaalkii taraafikadda ahaa ka hadal celiyay su’aashii Maxamuud, waxaanuu yidhi; “Ma ogtahay waxa ka dhacay maanta(shalay) Gaalkacayo, qaar idinkoo kale ah oo gadh dhuudhuuban oo mabda’ kale haysta oo kuwaa Gaalkacayo qarxiyay ah ayaa wax qarxiya, markaa waa khasab in la ilaaliyaa, waayo waa lagu soo dhex dhuuman karraa.” Intaa kadib Maxamuud Jaamac ayaa mar kale u baxay, waxaanuu yidhi; “Taliye aad baa u mahadsan tihiin, waa run oo waxaasi waa dhacaan, Ilaahay ha inaga hayo, kuwaana ha ka dulqaado, shicib ahaan anaguba waxaanu nahay askar wadankooda ilaashanaya, laakiin wax walba sharci baa lagu ilaaliyaaye aynu sharciga ilaalino.”

Xigasho Wargeyska Ogaal.

Comments are closed