|

Madeira oo aan Soomaaliya dib ugu soo noqoneyn

Nairobi (QJ)- Wargeyska The East African ee ka soo baxa dalka Kiinya ayaa daabacay in Midowga Afrika uu maalmaha soo socda Soomaaliya u magacaabi doono wakiil cusub kadib markii dhowaan dowladda Soomaaliya ceyrisay Francisco Madeira.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Midowga Afrika ay ku qancinayaan in Ambassador Francisco Madeira uu is casilo si hoos loogu dhigo ceebta siyaasadeed ee ka soo wejahday in laga eryay Soomaaliya.

Wargeyska ayaa xaqiijiyay in wakiilkii Midowga Afrika uusan dib danbe ugu laaban doonin Soomaaliya kadib markii loo aqoonsaday shaksi aan dalka laga rabin.

Ambassador Madeira oo Soomaaliya ka maqnaa markii uu soo baxay go’aanka ceyrintiisa ayaa waxa isku deyay in ay difaacaan madaxweynaha Somalia iyo madaxa midawga Africa oo arinkaa ku guuldareystay.

 

 

Comments are closed