|

Magaalada Paris iyo Maxkamad lasoo taagay 7 Nin oo Soomaali ah oo loo haysto Budhcad-badeednimo

Paris, 29 March, 2016 (SDNQJ): – Todobo nin oo Soomaali ah loona haysto burcad badeednimo ayaa la horgeeyay maxkamad ku taalla magaalada Paris, waxana loo haystaa afduubka doon laga lahaa dalka Faranskiiska oo ah kuwa dalxiiska.

Dacwadda todobadan nin oo da’adooda lagu kala sheegay  inay u dhaxaysay, 25 iyo 32 aya dacwaddoodu socon doontaa illaa 29-ka maarso.

Raggaan ayaa la sheegay haddii danbigaasi lagu helo inay wajihi karaan xabsi daa’in.

Mid kamid ah raggan la haysto ayaa waxaa ku dhacday xanuunka maskaxda, waana laga reebay in maxkamadda lasoo taago.

Mid kamid ah qarennada u doodaya raggan Soomaalida ah, ayaa ku dooday in raggan ay kunoolaayeen waddan baahi, dagaal iyo qaxarba ka jiro loomana qaban karo danbi caynkan ah.

Qareemadu waxay ku doodayaan raggii dilka ka gaystay doontii Faransiiska inay hadda dhinteen oo la dilay.

 

Waqtigan hadda la joogo waxaa hoos u dhac wayn ku yimid burcad badeeddii ka hawl gali jirtay Soomaaliya.

Comments are closed