Uncategorized

Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka Somaliland oo daboolka ka qaaday in Cudurka Jadeecada lagu arkay Gobolka Maroodi jeex

Hargaysa 13.Jan.2013.(SDN)

Wasiir ku xigaynka Wasaarada Caafimadka Somaliland Marwa Nimco Xuseen Qowdhan ayaa Maanta shaacisay in gobolka Maroodi jeex uu ka dilaacday Cudurka Jadeecada.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland oo shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeeda waxa ay tilmaantay in Wasaarad ahaan ay u hawl galayaan sidii aanu xanuunkani ugu soo faafi lahayn dalka intiisa kale isla markaana ay ka shaqaysiiyeen  hawl wadeenada caafimaadka .

Marwo Nimco Xuseen Qawdhan waxay ugu baaqday Bulshada ku nool Gobolka Maroodi jeex sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen talaalka caruurta, Iyadoo intaas ku dartay in talaalkan la siin doono Caruurta ay da’doodu u dhaxayso Lix bilood ilaa  Shan iyo Toban Jirka.

Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland oo Kaashanaysa Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ayaa si Xidhiidh ah uga fuliya dalka Hawl gal laga Talaalayo Caruurta Lixda Cudur ee Dilaaga ah,lamana garanayo sababta dhabta ah ee dib u soo celisay Kiiskan Jadeecada ah ee ay ku dhawaaqday Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadku,Waxaana Baqdinta ugu xoogani ay ku wajahan tahay Xiligan la Galay ee Jiilaalka oo ay faafaan Cudurada noocan oo kale ah.

SDN