|

Maraykanka : Nin Dab Qabadsiiyey Beero Iyo Guryo Tiro Badan Oo La Raadinayo !

North Carolina 03. March 2017 (SDN/QJ):- Ciiddanka Dab-Demiska ee Gobolka North Carolina ee Dalka Maraykanka ayaa waxay toddobaadkan ku hawlanaayeen sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen nin la filayo in uu 15 goobood oo  iskugu jira Dhul beero ah iyo sidoo kale guryo la daganyahay  Dab qabadsiiyay waxaana la sheegay in Ninkaasi uu muddo 12 Saacadood ah ku fuliyay gubista 15kaa goobood.

Waxaana la sheegay in khasaaraha uu geystay ninkaani aanay ku jirin Dad waxyeeloobay sida lagu soo bandhigay Shabakada Gobolkaasi ee CBS North Carolina oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay, waxa kale oo ay intaasi ku dartay in ciidanka Dab-demiska ee Gobolkaasi laga bilaabo 1dii Duhurnimo ee maalintii sabtidii hore ilaa iyo 1dii habeennimo ay soo gaadhayeen cabashooyinka shacabka ee dabkan lagu shiday goobahoodii, ciddii fulisay Falkan ayaan ilaa iyo haatan la hayn, balse waxa la filayaa inuu nin ku kacay arrintan aadka u foosha xun, isla markaana aan la garanayn sababta ku kaliftay, waxase ilaa iyo haatan socda baadhitaankii.

Comments are closed