|

Wax Ka Baro Astaamaha Muujinaya Kelyo Xanuunka ?

Hargaysa 03. March 2017 (SDN/QJ):- Labada Kelyood waxay ka mid yihiin xubnaha ugu muhiimsan jidhka Aaddamaha, haddii midkood waxyeelo gaadho waxay saamanaysa shaqada ay qabtaan, haddii xannuunka kelyuhu marka uu bilawga yahay la gaadhana waxa laga hor tagi karaa in kelyuhu istaagaan.

Haddaba, si aad arrinta uga feejignaato isla markaana aad kelyahaaga u ilaaliso Ilaahay baa wax ilaaliyee raac astaamahan marka aad isku aragtona waa inaad wargalisaa Dhakhtarka baadhaa kelyahaaga.

Dhabar xanuun xad dhaaf ah.

In aad had iyo jeer daal dareentid.

In aad dareentid cidhiidhi xagga neefta ah.

In lugaha iyo gacmuhu ku barraraan.

In aad waxba cuni kari waydo ‘Amateed la’aan’.

Dhibaatooyin dhinaca kaaddida ah.

In aad dareento qalleyl dhinaca jidhka ah.

Dhammaan arrimahaasi aan soo sheegnay waxay astaan u yihiin kalyo xanuun waxaana habboon in had iyo jeer dhakhtarka lala socodsiiyo sidaa awgeed ka feejignaw dhibaatooyinkaasi.

Comments are closed