|

Maraykanka Oo Gujis Dagaal Geeyay Gacanka Kuuriya Iyo Xiisada U Dhaxaysa Xukuumaddaha Washington Iyo Pyongyang Oo Sare Usii Kacaysa

Washington 27. April 2017 (SDN/QJ):- Gujis dagaal oo uu leeyahay Maraykanka ayaa gaadhay biyaha Kuuriyada Koonfureed, iyadoo uu sii kordhayo walaaca laga qabo in Kuuriyada Waqooyi ay markale samayso tijaabo gantaal ama hubka nukliyeerka ah.

Gujiskan oo lagu magacaabo USS Michigan, isla markaana xambaara gantaallada ayaa waxaa dhawaan ku biiri doona maraakiib dagaal oo uu horkacayo kan lagu magacaabo Carl Vinson.

 

Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta u dabaaldageysa sannad-guuradii 85-aad ee markii la asaasay ciidankeeda. Munaasabadaasi ayaa waxaa hadheeyay dab-rid ballaadhan, sida ay sheegtay Kuuriyada Koonfureed.

 

Xiisadda ka taagan gacanka Kuuriyada ayaa maalmahan sare u kacaysay, waxaana hadalo kulul is dhaafsanayay xukuumadaha Washington iyo Pyongyang.

 

Ciidanka Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo warramayaa in dab-rid ay ka sameeyeen magaalada Wonsan, ay u adeegsadeen rasaasta wax disha.

 

Si aan hore loo arag, ayaa dhammaan xubnaha senate-ka Marakanka waxaa laga codsaday in Arbacada beri ah ay ka qeyb galaan kulan looga hadlayo Kuuriyada Waqooyi oo ka dhici doona Aqalka Cad ee dalkaasi looga arrimiyo.

 

Shiinaha ayaa ah saaxiibka keliya ee ay leedahay Kuuriyada Waqooyi, waxaana uu Maraykanka ka codsaday Beijing in ay cadaadis saarto xukuumadda Pyongyang.

Comments are closed