|

Somaliland oo ay Soo Gaadheen Laba Wefti oo Dhakhaatiir ah oo Ka Kala Socda Imaaraadka & Waddanka Kuwait DAAWO

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):- Waxa maanta dalka soo gaadhay dhakhaatiir ka socday dalka Imaaraadka Carabta iyo Waddanka Kuwait oo u yimid Somaliland inay ka fuliyaan hawlo caafimaad oo bilaash ah.

Weftigaasi waxaa ku soo dhaweeyeen Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Md Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda, Marwo Samsam Cabdi Aadan, wasiirka wasaaradda Duulista iyo hawada, Md, Farxaan Axmed Haybe, wasiiru-dawlaha wasaaradda caafimaadka, Md Maxamuud Jaamac Aadan (Galaal) iyo Afhayeenka Madaxtooyada Md Xuseen Aadan Cige (Dayr).

Comments are closed