|

Maraykanka oo Shaaciyey inuu 40 Dagaalyahan oo Al-Shabaab & ISIS ka Tirsan ku Dilay Soomaaliya

Muqdisho 14 November  2017 (SDN/QJ):-Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in illaa shan weerar oo Cirka ah oo ay  Diyaaradeheeda dagaalku ka geysateen gudaha dalka Soomaaliya ay ku dishay 40 Dagaalyahan oo ka tirsanaa Ururrada Al-shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya ka dagaallama.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo weerarro is daba-joog ah ka geystay Saldhigo Al-Shabaab iyo Daacish ku lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Bari ee Puntland iyo gobollada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya, ayaa Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika Sheegay inay ku dileenn 36 Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Afar Dagaalyahan oo Kooxda Daacish inay ka tirsan tahay sheegata ee Puntland kula dagaallanta gobolka Bari deegaanno ka tirsan, gaar ahaan Galgala iyo nawaaxigeeda.

Weerarradaan oo ay qaadeen Ciidammada Mareykanka ee Saldhigga ama Taliska ku leh Afrika, ayaa la sheegay inay jawaab u ahaayeen Qaraxii dhimashada badan dhaliyey ee ka dhacay Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen 385 Qof, Dad 400 ka badanina ku dhaawacmeen.

Ciidammada Dawladda Soomaaliya, ayaa dhinacooda sii wada duullaanka ka dhanka ah Saldhigyada Al-shabaab qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya ay ku leedahay, iyaga oo sheegay in ay burburiyeen Saldhigyo muhiim u ahaa Al-shabaab.

Comments are closed