|

Mareykanka oo dal ku gal u diiday wasiiro ka tirsan xukuumada Biixi

Hargeysa (QJ)- Sida lagu helayo warar ku dhaw dhaw xukuumada madaxweyne Biixi ayaa sheegaya in Mareykanku visa u diiday wasiiro reer Somaliland ah.

Wasiirada loo diiday Visaha Mareykanka ayaa kala ah Maxamed Kaahin iyo Saleebaan koore.

Mareykanka ayaa la sheegay in tilaabadan uu u cuskaday goaan uu dhawaan ku sheegay in aanu dal ku galka siin doonin masuuliyiinta Soomaalida ee ishortaaga hanaanka dimuqraadiyada Soomaaliya.

Wasiirada ayaa hore loogu bartay hadalo iyo goaamo ka dhan ah dimuqraadiyada iyo xoriyatul qowlka.

Wasiirka arrimaha Guddaha ayaa hore isu hortaagay fadhiyada golleyaasha degaanada ee dhawaanta la doortay, isaga oo sheegay in isaga oo la magacaabay uu xukumo golleyaashan la doortay.

Wasiirka Warfaafinta ayaa isna la ogaa in uu ku lug lahaa xariga suxuufiyiin iyo hadalo ka dhan ah axsaabta qaranka oo uu sheegay in la burburiyay oo qaar kale la furan karo.

Tilaabooyinkaa ayaa ka careysiiyay wadamada reer galbeedka ee taageera dimuqraadiyada iyo xoriyatul qoolka.

Somaliland iyo Mareykankuna weli kama hadal diidmada dalk ku galka ee labadan masuul.

Comments are closed